Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii hore xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland, kaas oo laga hirgeliyey dhismaheeda Caasimada Garoowe.

Xariga jarka dhismaha Wasaaradda ayaa waxaa madaxweynaha kuwehelinayey wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada  Xoolaha,Wasiir kuxigeenka Wasaaradaasi, shaqaalaha waaxyaha Wasaaradda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn sheegay inuu ku faraxsan yahay muhiimad gaarana u leedahay furitaanka dhismaha cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, maadaama ay tahay wasaarad ku hawlan ilaalinta iyo xanaanaynta laf-dhabarta dhaqaale ee dalka.

”Sharaf weyn bay ii tahay maanta inaan imaado Wasaaradda Xanaanadda xoolaha daahfuro  xarigana ka jaro dhismaha cusub ee Wasaaradda, waan ku bogaadinaynaa dedaalka weyn ee ay geliyeen in Wasaaraddu hesho goob shaqo oo ku-filan  oo lagu fuliyo shaqadda gaamurtey ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, laf-dhabar bay u yihiin xooluhu  dhaqaalaha Puntland iyo kan Soomaaliyeedba”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale waxa uu  sheegay Madaxweynuhu in wasaaradani lagu dhisay oo lagu hirgeliyey dhaqaalihii dalka kaasi oo kuyimid isku tashiga  iyo shacabka Puntland.

”Wasaaradda waxaa lagu dhisay dhaqaalihii dalka, isku tashiga Puntland, waxayna ka mid tahay mabaadii’da aanu aaminsanahay oo ah in dhismaha Dawladda nimo Puntland si dhaba uga hirgalaan, dabcan dhismaha Dawladd-nimo waxaa ugu horeeya in wasaaradihii dhisan yihiin degaan ay ku shaqayn karaana ay leeyihiin, shaqaale ku filan oo khibrad leh ay leeyihiin, in adeegii iyo shaqooyinkii waajibka ahaa  ee ay dalka u qabanayeena ay si wanaagsan u fushanayaan,  Wasaaraddo kale ayaan dhowaan furidoonaa iyo sidoo kale mashaarico kale oo “ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa sheegay in dhismaha wasaaraddani ay ku baxayday lacag dhan $3,72,000 oo dollar, taasi oo kutimad  halku dhigii Madaxweynaha Puntland oo hirgalay kaasi oo ahaa ”Puntland ha isku tashato”, wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhismahani waxbadan ka taridoono dardargelinta shaqooyinka baaxadale ee Wasaaradu u qabato shacab keeda kaasi oo ku salaysan ilaalinta caafimaadka, xanaanada iyo ka warqabka markasta xoolaha Puntland.

Ugu danabyn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo kormeray xaafisyada Wasaaradda, halkaasi oo uu mid mid u xogwaraystay dhammaan hawl-wadeenada xafiisyada wasaaradaasi, isagoona ugu danbayn kulan gaara la qaatay madaxda sare ee wasaaradaasi.

Previous Post

Madaxweyne farmaajo oo gaaray Kismaayo

Next Post

Madaxweyne farmaajo oo kormeeraya Xarumaha Ciidanka Jubbaland

Next Post
Madaxweyne farmaajo oo kormeeraya Xarumaha Ciidanka Jubbaland

Madaxweyne farmaajo oo kormeeraya Xarumaha Ciidanka Jubbaland

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In