Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray Masaajid laga hirgeliyey gudaha Madaxtooyada Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray Masaajid laga hirgeliyey gudaha Madaxtooyada Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Jimce ah 31 March 2017 xariga ka jaray masaajid cusub oo laga hirgeliyey gudaha Madaxtooyada Garoowe.

Masaajidka laga hirgeliyey Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa loo bixiyey masjidu Shuhadaa, kadib markii loogu magacdaray dadkii shuhadada ahaa ee ku dhintay iyagoo waajibaad kooda shaqo gudanaya,  ha ahaadeen ciidamada qalabka sida iyo in Alaale iyo intii kale ee u nafweydey ilaalinta shacabka iyo deegaanada Maamulka Puntland.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Punland ayaa ugu horayn mahad u soo jeediyey cid walba oo gacan ka geysatey kana qayb qaadatay dhismaha Masjidu Shuhadaa, gaar ahaan Sheekh Cabdiqani Qorani oo ahaa farsama yaqaankii nashqadeeyey dhismaha masaajidka, waxaana uu Alle uga baryey in uu denbigooda dhaafo, khayrka ay u horseedeen shacab koodana Alle ku abaalmariyo.

Sidoo kale waxa uu Dr Cabdiwelo kula dardaarmay  isla markaana ku booriyey shaqaalaha Madaxtooyada Garoowe inay masuuliyad gaara iska saaraan ka warhaynta masaajidka iyo sidoo kale dayacrtirkiisa, taas oo ay micnaheedu tahay in la’ilaaliyo nadaafadiisa, qurxintiisa iyo camiridiisa xiliyada salaadaha, waxaana uu sheegay inuu horsed u noqondoono imaatinka masaajidka.

“Masaajidka gacan ku hayntiisa, nadaafadiisa, ilaalintiisa iyo ka warqabkiisa intuba Madaxtooyada ayay saaran tahay, ujeeddada loo dhisayna waa iyaga, inta ugu badan oo ku cibaadaysanaysaana waa inta gudaha Madaxtooyada ku jirta,  markaa waxaa laydin ka rabaa inaad xilgaara iska saartaan ilaalinta, quruxda iyo sharafta masaajidka’’ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa isna dhankiis kula dardaarmay cidwalba oo ay masuuliyadi ka saran tahay ilaalinta masaajidka inay masuuliyad iska saraaan, isla markaana aanay u ogolaan in ay waxyeelo soo gaadho masaajidka ilaa ay wax ku siyaadiyaan mooyaayne, waxaana uu illahay uga baryey inuu u denbi dhaafo ajarkeedana siiyo intii ka qayb qaadatay dhismaha maasjidka.

Ugu danbayn, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle ka baryay in ummadiisa uu kasaaro abaarta, isla markaana uu Alle ugu bedele Raxmadiisa.

Previous Post

Olole Nadaafadeed oo ka socda Waaxyaha degmada Hiliwaa “SAWIRRO”

Next Post

Ardayda iyo Maamulka Dugsiga Benaadir Zone oo deeq raashin ah u qeybiyay qoysas barakacayaal ah

Next Post
Qaxootiga reer Yemen iyo qoysas kale oo loo qeybiyay raashin

Ardayda iyo Maamulka Dugsiga Benaadir Zone oo deeq raashin ah u qeybiyay qoysas barakacayaal ah

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In