Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee wasaaradda Maaliyadda ee Maamulkaasi+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee wasaaradda Maaliyadda ee Maamulkaasi+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad-goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland oo laga hirgeliyey dhismaheeda magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Xafladda Xarigjarka Wasaaradda ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey, guddomiyaha golaha Wakiilladda Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna Xildhibaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Dr. Cabdirahmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Shiikh Axmed, Mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha dowladgobleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Isimo, Aqoon yahanno, iyo qaar ka mid ah bulshada rayid ka ah ee magaalada Garoowe.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026

Madaxweynaha Dawlad-goboleedka Puntland ayaa ugu horrayn tilaamay in uu aad ugu faraxsan yahay furitaanka iyo ka soo qayb galka xafladda dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu ammaan iyo bogaadin u  jeediyey cidwalba oo ka  qayb qaadatay hirgelinta dhismahani oo ay ugu horreyaan madaxda Wasaaraddu iyo farsama yaqaankii dhisay dhismahani ( Engineer ).

” Waxaan rabaa inaan ammaan iyo bogaadhin u soo jeediyo Wasaaradda Maaliyadda dhammaanteed, ku bogaadiyo dhismahan cusub iyo hoggaamiyaha wanaagsan ee mashruucani hogaaminayey Wasiir Cabdulaahi Shiikh Axmed, runtii qofku wakhti yar ayuu joogayaa shaqaduna waa meerto.” ayuu yiri Madaxweyne C/weli Gaas.

Sidoo kale Maxweynaha ayaa caddeeyey in dhismaha Wasaaradda Maaliyadda lagu hirgeliyey si isku tashiya, kaasi oo hore uga go’anaa  Puntland in ay wax ku qabsato isku tashi dhanwalba leh, Madaxweynaha ayaa sheegay in shaqaalaha Wasaaraddu ku hirgeliyeen dhismahani 1.5% oo ay ka beekhaamiyeen gunnadooda.

”waxaan leeyahay Wasiir Cabdulaahi iyo intii la shaqaynayseyba waxay ka tegayaa taariikh aan weligeed la iloobi doonin oo ah in 1.5% adeegooda intay beeshaamiyaan dhismaha saas u quruxda badan ay dhisaan, runtii waxa weeye waxaan weli la arag loogana baran Puntland ” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dalku u baahan yahay in la wadda ilaasho oo qof walba oo muwaadini masuuliyad iska saaro danta guud ee dalka, isla markaana meel looga soo wadda jeesto wax kasta oo dan u ah horumarka iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

”Puntland waxay u baahan tahay ilaalin cidkastana masuuliyad baa ka saaran, waxaa loo baahan yahay inaan meel uga soo wadda-jeedsano horumarkeena iyo difaaca dalkeena intaba, insha Alla wixii hadda ka danbeeya inaan u wadda dhaqaaqno horumarinta dawladda nimadeena iyo dufaaca dawladdeena ayaan rajaynaynaa, cadawgeena hadii aynaan iska qaban dabcan horumarkaan ka hadlaynaa ma suuroobayo” ayuu yiri Madaxweynuhu

Guddomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi ayaa dhankiisa amaan iyo bogaadin usoo jeediyey dhammaan shaqaalaha iyo maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland sida wanaagsan ee xil kasnimadda leh ee ay isugu hawleen dhismahan quruxda baddan, Guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacabka reer Puntland ugu baaqay in laga wadda shaqeeyo markasta waxa uu ku jiro wanaaga iyo masiirka danaha Puntland, isla markaana beri laga ahaado fadhi ku dirirka aan waxba siyaadinayn.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdullahi Shiikh Axmed ayaa ku dheeraaday dedaalka iyo masuuliyadda gaar  ka ah ee ay iska saareen sidii ay  u hirgelin lahaayeen dhismaha Wasaaradda, waxaana uu cadeeyey in shaqaalaha iyo Masuuliyiinta sareba ay  hirgeliyeen dhismaha cusub ee Wasaaradda iyagoo ka duulaya halku dhigii Madaxweynaha ee ahaa ”Puntland ha isku tashato”.

Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland ahna xildhibaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka  DFS Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa isna dhankiisa ku tilmaamay guushan maanta mid taarikhda gelidoonta beri ka maalina lagu maamuusi doona cidkasta oo gacan ka gaysatey, Sidoo kale xildhibaan Faroole ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in laga wadda qayb qaato dhamaystirka Dastuurka DFS, isla mar’ahaantaana waxa uu fariin u diray cid kasta oo faragenlin danagaara leh kuwadda dhamaystirka Dastuurka DFS.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu dhismayaal kale ka waddo qaar ka midda magaalooyinka waaweyn ee Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu ballan qaaday in horumarka ka socda Puntland uu gaari doono dhammaan degaannadda Puntland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu shaagay in caddaaladda loo siman yahay muwaadin kastana uu ku naloondoono horumarka.

Previous Post

Ciidamada XDS, kuwa Jubbaland iyo AMISOM oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka wada Kulbiyoow

Next Post

Sawirro:-Kulan Dadweyne Oo Looga Hadlayay Qatarta Xagjirnimada Oo Lagu Qabtay Wadajir

Next Post
Sawirro:-Kulan Dadweyne Oo Looga Hadlayay Qatarta Xagjirnimada Oo Lagu Qabtay Wadajir

Sawirro:-Kulan Dadweyne Oo Looga Hadlayay Qatarta Xagjirnimada Oo Lagu Qabtay Wadajir

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In