Friday, May 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee wasaaradda haweenka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee wasaaradda haweenka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 13 July 2017 Daahfuray dhismaha cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee maamulkaasi oo Garoowe laga hirgeliyey dhismaheeda.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey daahfurka xurintani cusub Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aniisa Cadulqaadir Xaaji Muumin, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi, mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dawlad goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, saraakiil ka socdey hay’adaha UN-HABITAT iyo UNDP, urrurka haweenka Puntland iyo qaar ka mida bulshada rayidka ah ee magaaladda Garoowe.

Related posts

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

May 1, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026

May 1, 2026

Madaxweynaha  Puntland oo ka hadlay munaasibadda daahfurka dhismahani cusub ee ay yeelan doonto Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qayska ee maamulka Puntland ayaa sheegay in dhimahan cusubi uu yahay kii  ugu tayadda wanaagsanaa uguna nashqadaynta wanaagsanaa intii la hirgelinayey Wasaaraddo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey cidkasta oo gacan ka geysatey hirgelinta xaruntani oo ay ugu horeeyaan hawl wadeennadda Wasaaraddu.

‘’ Dhismayaan badan oo dawladdeed ayaa intaanu joogney fureyney ha ahaadeen kuwo aanu gacan ku lahayn iyo kuwo aanu buldhig ka ahaynba eh,  laakiin runtii maanta waxaanu halkan ku aragnay majirto ilaa hadda kuwo soo socda waa dhici kartaaye in isbedel dhabi uu jiro, waxaa ka muuqda dedaalka galay, waxaa ka muuqda hufnaanta lagu dhisay’’  ayuu yidhi Dr. C/weli

‘’Taasi Maxay cadaynaysaa? Waxay cadaynaysaa hogaanka haweenka, inay ka daacad san yihiin, ka wax tarsan yihiin, ka musuq maasuq yar yihiin Raga, ‘’raali ahaada Ragaw’’, halbaanse idiin sheegayaa dumarka laftigoodu awooda Illaahay siiyey inay aqoon sadaan baalaga rabaa, Ragu waxay yiraahdaan waxaanu nahay madaxii qoyska, laakiin waxaysan fahansanayn dumarku inay yihiin luquntii qoyska’’ ayuu yiri Dr Gaas

Sidoo kale Dr C/weli ayaa caddeeyey in aanay jirin, jirina doonin hal wasaarad oo maanta ku jirta guri kiro ah oo gaar loo leeyahay, isla markaana aanay jirin Wasaarad aan helin adeeggeeda oo dhamays-tiran.

Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee  Puntland Aniisa Cadulqaadir Xaaji Muumin ayaa dhankeeda sheegtay in wasaaraddani ay tahay tii ugu horreysey ee laga hirgeliyo Puntland, waxaana ay tibaaxday in dhismahani ka kooban yahay qaybo kala duwan oo  wax tar u leh haweenka iyo dhallaanka  Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa u mahadnaqay hay’addaha ka qayb qaatay dhismahani Wasaaradda, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in hadii lasyku tashado wax walba la qabsan karo laguna guulaysan karo horumarinta wadankeena, isla mar’ahaantaana waxa uu ku guddoomey Hay’adda fulineysey mashruuca dhismaha Wasaaradda Sadex gaari oo labo tahay kuwa qashin ka lagu qaado iyo hal xaajiyad oo Wasaaradda Arrimaha gudaha lagu wareejiyey.

 

 

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirada oo si rasmi ah uga furmay magalada Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post

Daawo Sawiradda Qado Sharaftii Kismaayo loogu sameeyey Golaha Wasiiradda Dowladda Federaalka.

Next Post
Daawo Sawiradda Qado Sharaftii Kismaayo loogu sameeyey Golaha Wasiiradda Dowladda Federaalka.

Daawo Sawiradda Qado Sharaftii Kismaayo loogu sameeyey Golaha Wasiiradda Dowladda Federaalka.

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

May 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Dowladda Soomaaliya Sh. Mukhtaar Roobow Cali ayaa oo Daahfuray Duulimaadyadii ugu horreeyay ee Xujeyda...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026

May 1, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026   1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a dinner...

ToddobaaWarbixinta dlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1st May, 2026

May 1, 2026
0

ToddobaaWarbixinta dlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1st May, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Somalia casho...

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa akhriyay warmurtiyeedka Shirweynaha 1aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In