Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Shacabka Soomaaliyeed ha is cafiyaan, hana ka shaqeeyaan dib u dhiska iyo horumarka waddankooda’’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Shacabka Soomaaliyeed ha is cafiyaan, hana ka shaqeeyaan dib u dhiska iyo horumarka waddankooda’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 24 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan ummada Muslimiinta munaasabadda Ciidul Adxa awgeed.

Madaxweynaha oo shacabka kala qeybgaley tukashada salaadda ciidda oo ka dhacdey Masjidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maalintan weyn ee barakeysan loo baahan yahay in siyaabo badan looga faa’ideysto.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta waxaan u rajeynayaa in ciiddan uu mid barakeysan oo kheyr badan Ilaahay uga dhigo. Waa inaan Ilaahay u noqonaa, isna cafinaa, kadibna aan u wada jeesanaa sidii aan dalkeena dib ugu dhisan lahayn, horumarna u gaarsiin lahayn’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in diinta Islaamka ay ina fareyso midnimo, is-jaceyl iyo wax wada qabsi, shacabka Soomaaliyeed oo boqolkiiba boqol Muslim ahna loo baahan yahay inay taasi ka dhabeeyaan.
Waxaa kale oo uu Madaxweynaha shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay gargaar inta ay awoodaan ay u fidiyaan dadka tabaaleysan ee dalka gudihiisa jooga, oo ay ku jiraan qaxootiga reer Yemen ee Soomaaliya u soo cararey dagaalada waddankooda ka socda awgood.

Tukashada salaadda Ciidul Adxa, waxaa Madaxweynaha kala qeyb galey Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte, xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, taliyeyaasha ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: [email protected]

1 7 d q unnamed

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Waqooyi Bari Ee Magaalada Minneapolis Oo Looga Dabaal dagay Ciida Arafo “Sawirro”

Next Post
Waqooyi Bari Ee Magaalada Minneapolis Oo Looga Dabaal dagay Ciida Arafo “Sawirro”

Waqooyi Bari Ee Magaalada Minneapolis Oo Looga Dabaal dagay Ciida Arafo "Sawirro"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In