Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Socdaalkeyga Dhuusamareeb waxaan ku soo arkey shacab diyaar u ah inay heshiiyaan, maamulna dhistaan’’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Socdaalkeyga Dhuusamareeb waxaan ku soo arkey shacab diyaar u ah inay heshiiyaan, maamulna dhistaan’’

Sawir Hore

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Arbaco 11 February: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey dadaalka dib-u-heshiisiinta ee shacabka gobollada dhexe iyo in degaannadaasi dhowaan laga dhiso maamul loo dhan yahay.

Madaxweynaha oo ka hadlayey munaasabad casho sharaf ah oo uu Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid magaalada Muqdisho ugu sameeyay xubnaha baarlamanka ayaa sheegay inuu indhahiisa ku soo arkey sida shacabka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee bulshada ay uga go’an tahay inay is cafiyaan, mustaqbal wanaagsanna u horseedaan degaannada gobollada dhexe.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Biseyl ayaan ku soo arkey Dhuusamareeb iyo dad diyaar u ah inay ka gudbaan wixii la soo marey. Waxaan isku soo afgaraney in shirarka dib-u-heshiisiinta ay halkooda ka sii socdaan ilaa dhammaadka bishan, marka la gaaro bisha Maarso-na la gudagalo barnaamijka maamul loogu sameynayo gobolladaasi,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay si buuxda uga shaqeyneyso, isla markaaana dhiirigelineyso fududeynta dhismaha maamul goboleedyada.

“Gobollada dhexe ee Soomaaliya muhimad gaar ah ayay u leeyihiin nabadeynta Soomaaliya iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo shacabkeenna ay ku faanaan. Waa muhiim midnimada dadka deegaanka, dowladda dhexe waxay si gaar ah xil isaga saareysaa sidii loo gaari lahaa, maamul iyo kala dambeyn, nidaamkaas oo ah kan keliya ee horumar lagu gaari karo”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bulshada gobollada dhexe ugu baaqay in ay midoobaan oo ay shirarkan ay ka soo saaraan tallooyin ku dhisan deganaansho iyo wadajirka shacabka wada dega.

Dhanka kale Madaxweynaha waxaa intii uu joogay Dhuusamareeb uu tababar ugu soo xirey ciidammo ka tirsan Taliska Nabadsugidda.

DHAMMAAD

Previous Post

Xalinta colaadda Beladweyne oo meel wanaagsan mareyso

Next Post

Isbadelka cusub ee caasimadda Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Next Post
Isbadelka cusub ee caasimadda Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Isbadelka cusub ee caasimadda Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In