Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Socdaalkeyga Dhuusamareeb waxaan ku soo arkey shacab diyaar u ah inay heshiiyaan, maamulna dhistaan’’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Socdaalkeyga Dhuusamareeb waxaan ku soo arkey shacab diyaar u ah inay heshiiyaan, maamulna dhistaan’’

Sawir Hore

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Arbaco 11 February: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey dadaalka dib-u-heshiisiinta ee shacabka gobollada dhexe iyo in degaannadaasi dhowaan laga dhiso maamul loo dhan yahay.

Madaxweynaha oo ka hadlayey munaasabad casho sharaf ah oo uu Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid magaalada Muqdisho ugu sameeyay xubnaha baarlamanka ayaa sheegay inuu indhahiisa ku soo arkey sida shacabka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee bulshada ay uga go’an tahay inay is cafiyaan, mustaqbal wanaagsanna u horseedaan degaannada gobollada dhexe.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

“Biseyl ayaan ku soo arkey Dhuusamareeb iyo dad diyaar u ah inay ka gudbaan wixii la soo marey. Waxaan isku soo afgaraney in shirarka dib-u-heshiisiinta ay halkooda ka sii socdaan ilaa dhammaadka bishan, marka la gaaro bisha Maarso-na la gudagalo barnaamijka maamul loogu sameynayo gobolladaasi,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay si buuxda uga shaqeyneyso, isla markaaana dhiirigelineyso fududeynta dhismaha maamul goboleedyada.

“Gobollada dhexe ee Soomaaliya muhimad gaar ah ayay u leeyihiin nabadeynta Soomaaliya iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo shacabkeenna ay ku faanaan. Waa muhiim midnimada dadka deegaanka, dowladda dhexe waxay si gaar ah xil isaga saareysaa sidii loo gaari lahaa, maamul iyo kala dambeyn, nidaamkaas oo ah kan keliya ee horumar lagu gaari karo”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bulshada gobollada dhexe ugu baaqay in ay midoobaan oo ay shirarkan ay ka soo saaraan tallooyin ku dhisan deganaansho iyo wadajirka shacabka wada dega.

Dhanka kale Madaxweynaha waxaa intii uu joogay Dhuusamareeb uu tababar ugu soo xirey ciidammo ka tirsan Taliska Nabadsugidda.

DHAMMAAD

Previous Post

Xalinta colaadda Beladweyne oo meel wanaagsan mareyso

Next Post

Isbadelka cusub ee caasimadda Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Next Post
Isbadelka cusub ee caasimadda Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Isbadelka cusub ee caasimadda Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In