Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo soo jireen ah’’ SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo soo jireen ah’’ SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 19 August 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmey wafdi ka socdey Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ee Baarlamanka Kenya, oo booqasho ku jooga dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey wafdiga Kenya, booqashada ay ku yimaadeen dalka, oo uu sheegay inay muhiim u tahay xoojinta iskaashiga labada dal.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

“Soomaaliya iyo Kenya waa deris uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo. Taariikhda cusub ee Soomaaliya ee qormeysa, Kenya qeyb ayay ka tahay. Kenya waxay soo dhoweysey kumanaan Soomaali ah, oo xitaa ganacsiyo waaweyn ku leh Nairobi iyo meelo kale oo Kenya ka mid ah. Waxaa intaasi dheer in Kenya ay ka mid noqotey waddamada wiilashooda iyo gabdhahooda u soo direy Soomaaliya si ay nabad uga dhaliyaan. Waxaana filayaa in iskaashiga labadeena dal uu intan ka sii xoogeysto’’, ayuu yiri Madaxweynaha oo la hadlayey xubnaha wafdiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale wafdiga u sheegay in Soomaaliya ay gacmo furan ku soo dhoweyneyso maalgashiga ganacsatada Kenya, dowladda Soomaaliyana ay fududeyn doonto sidii arintaasi loo suuragelin lahaa.

Waxaa uu Madaxweynaha wafdiga ka codsadey inay salaan diiran ka gaarsiiyaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta, Madaxweyne ku Xigeenka, William Ruto iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Kenya.

Kulankaasi waxaa sidoo kale ka hadley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke oo diiradda saarey muhimada xoojinta xiriirka labada dal, iyo dhinacyada ay labada dal iska kaashan karaan.

Wafdiga ka socda Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa waxaa ka mid ah Mudane Ilyaas Barre Shiil, Xildhibaan Richard Onyonka, Xildhibaan Wafula Wamunyinyi iyo mas’uuliyiin kale.

Xubnaha Wafdiga Kenya ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan xoojinta iyo iskaashiga labada dal ka dhexeeya.

-DHAMMAAD- 

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4)

Previous Post

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo shahaado sharaf la guddoonsiiyay “SAWIRRO”

Next Post

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Next Post
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha oo xilka la wareegay "SAWIRRO"

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In