Friday, May 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ”Soomaaliya iyo Talyaaniga dhinacyo badan ayay iska kaashan karaan”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: ”Soomaaliya iyo Talyaaniga dhinacyo badan ayay iska kaashan karaan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Rome, 4 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Carwada Caalamiga ah ee ganacsiga iyo maalgashiga ee ka dhacaysa magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib uga soo kabaneyso colaaddi sokeeye, lana sameeyay horumar dhinacyada amniga,siyaasadda iyo dhaqaalaha, taasina ay suuragelineyso in shirakadaha kala duwan ee caalamka ay maalgashan karaan Soomaaliya.

Related posts

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

May 1, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026

May 1, 2026

‘’Soomaaliya waxay leedahay kheyraad badan oo kala duwan. Waxaan leenahay dhul beereed, kheyraadka badda, xoolaha nool iyo weliba kheyraadka shidaalka iyo macdanta. Sidaa darted waxaan 148 dowladood ee ka qeybgalaya carwadan, gaar ahaan Talyaaniga u sheegayaa in waddankeena uu diyaar u yahay ganacsi iyo maalgashi. Dhanka kheyraadka beeraha, waxaan aaminsanahay in haddii si wanaagsan loo maalgashado ay Soomaaliya gacan ka geysan karto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada cunno yarida ee ka jirta dunida. ’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in dowladda ay ka shaqeyneyso sameynta sharciyada maalgashiga, isla markaana sharciyadaasi noqon doonaan kuwa ugu fiican qaaradda Afrika ee soo jiita shirkadaha maalgashiga caalamka.

Waxaa uu Madaxweynaha si gaar ah uga hadley xiriirka soo jireenka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, isagoo ka mahadceliyay doorka Talyaanigu ka qaadanayo dib u soo kabashada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga , siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Dhanka xasaradda dadka u soo haajiraya waddamada Yurub, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in xal wadajir ah ay la yimaadaan dalalka caalamka.

‘’Arinta muhaajiriinta, gaar ahaan kuwa ka imanaya Afrika, waxaa loo baahan yahay in waddamada Yurub ay Afrika gacan ku siiyaan abuurista fursado dhaqaale oo ku dhiirigelinaya dhalinyarada inay dalalkooda ka shaqeystaan halkii ay naftooda khatar u gelin lahaayeen, iyagoo fursado dhaqaale ka raadinaya waddamo ka fog dhulkooda’’.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Talyaaniga, Roberta Pinotti oo ka wakiil ahayd Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, ayaa iyana hadal ay ka jeedisey goobta waxay kaga hadashey xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo sheegtay in dalkeeda uu si buuxda qeyb uga yahay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka jira Soomaaliya.

“Xoojinta xiriirka labada dal muhimad gaar ah ayay inoo leedahay. Mudane Madaxweyne dowladda Talyaaniga waxay soo dhoweyneysaa hoggaankaaga wanaagsan ee dib u soo kabashada Soomaaliya, siiba dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Sidaa darted waxaad xisaabta ku darsataa in Talyaanigu uu yahay saaxiib dhab ah oo aad leedahay oo kugu taageeraya hawlaha muhiimka ah ee aad hayso’’, ayay tiri Roberta Pinotti, Wasiirka Gaashaandhigga ee Talyaaniga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale magaalada Milano ka furey Madasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Soomaaliyeed oo ay ka soo qeybgaleen ganacsato Soomaaliyeed, shirkadaha ganacsiga caalamka iyo dowlado. Waxaa uu Madaxweynaha hadal uu halkaasi ka jeediyay ku sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si wanaagsan u soo dhoweyso maalgashiga shirkadaha caalamka, isla markaana kuwa soo hormara la siin doono mudnaan gaar ah

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha isla magaalada Milano kulan kula qaatey Guddoomiyaha gobolka Lombardia , Roberto Maroni. Gobolka Lombardia oo ka mid ah gobollada dhanka warshadaha qaniga ku ah qaaradda Yurub, ayaa waxaa uu Madaxweynaha, madaxda gobolkan kala hadley sidii adeegyada iyo xirfadaha dhanka tiknoloojiyadda loogu taageeri lahaa gobollada kala duwan ee Soomaaliya.

Mar uu la hadlayey jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Milano, waxaa uu Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqey inay dib dalka ugu noqdaan, si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska waddankooda.

Maanta ayaa waxaa la filayaa in Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Rome, kulan kula yeesho Madaxweynaha Talyaaniga, Sergio Mattarella.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

Previous Post

Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaaliya oo rajo wanaagsan ka muujiyay in faaiido weyn soomaaliya ay ka hesho Bandhigga Caalamiga ah ee Milano

Next Post

Daawo Sawirada Qeyraadka Dalkeenna Ee Milano 2015

Next Post
Daawo Sawirada Qeyraadka Dalkeenna Ee Milano 2015

Daawo Sawirada Qeyraadka Dalkeenna Ee Milano 2015

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

May 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Dowladda Soomaaliya Sh. Mukhtaar Roobow Cali ayaa oo Daahfuray Duulimaadyadii ugu horreeyay ee Xujeyda...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026

May 1, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026   1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a dinner...

ToddobaaWarbixinta dlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1st May, 2026

May 1, 2026
0

ToddobaaWarbixinta dlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1st May, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Somalia casho...

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa akhriyay warmurtiyeedka Shirweynaha 1aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In