Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo baaq u diray Madaxda dowladaha Carabta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ka codsaday iney joojiyaan dibadbaxyada+Daawo Video
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Danjirayaasha dalalka carabta ee ka howlgala caasimadda iyo wafdi ka socday Ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynuhu waxa uu gudoomay dhambaallo hambalyo ah oo ay uga sideen Madaxda dalalkooda, ayna ugu bogaadiyeen xilka loo doortay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyaga oo ballan qaaday inay garab istaagayaan dowladdiisa oo heysata taageerada shacabka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay danjirayeyaashaasi iyo wafdiga Jaamacadda Carabta booqashada ay ugu yimaadeen iyo yididiilada ballaaran ee ay u muujiyeen iyo taageerada joogtada ah ee ay u fidiyeen Soomaaliya mudadii qaran-burburka, isaga oo sheegay in dowladdiisu ay hiigsaneyso hindisaha “Nabad iyo Nolol” oo ah mid deganaansho looga hirgelinayo dalka, laguna abuurayo nolol leh kobac iyo horumarin.

Madaweynuhu, waxa uu baaq ka kooban shan qodob u diray Madaxda wadamada Carabta, isaga oo u sii marsiinayay Danjirayaasha iyo Wafdiga matalayay Ururka Jaamacadda Carabta, waxaanu ahaa sidatan :

1- In loo fidiyo Soomaaliya gurmad degdeg ah si xad loogu yeelo abaarta lixaadka leh ee saameysay dadka, xoolaha iyo wax soo saarka beeraha.
2- Taageeridda Istiraatiijiyadda amni ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya .
3- Taageeridda Qorshaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya.
4- In Dowladaha iyo Shirkadaha Carbeed ay maalgashi ballaaran ku sameeyaan Soomaaliya, lana horumariyo kaabayaasha dhaqaallaha dalka.
5- In Dowladaha Carabta meel kasta oo joogaanba ay ku matalaan Soomaaliya, wakiilna ka ahaadaan, ilaaliyaanna xaqqeeda iyo mudnaanshaheeda.

Kulankani oo ku dhammaaday jawi guul leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.

DHAMMAAD

 

Previous Post

Dad badan oo shuban ugu dhintay deegaanka Buurdhuxunle ee gobolka  Bakool

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In