Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Golaha shacabka ka codsaday inay meel mariyaan golaha wasiirada cusub.
Madaxweynaha ayaa hadalo dar daaran ah u jeediyay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay inay golaha Wasiirada ay yihiin kuwa ka soo bixi baxa howlaha loo igmaday, waxaana uu ka codsaday Xildhibaanada Golaha shacabka inay codka kalsoonida ah siiyaan golaha Wasiirada cusub.
Madaxweynaha ayaa shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan golaha Wasiirada cusub, si looga wada shaqeeyo xoojinta amniga iyo ka hortagga falalka argagixisadu ay shacabka la beegsanayaan.
Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay meelkasta oo ay joogaan inay u gurmadaan walaalahood ee ay abaartu saameysay, isagoo beesha Caalamka ka dalbaday inay soo dadajiso u kaalmada ay ugu talageen shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha waxa uu xusay in argagixisadu ay dhibaato ku hayaan shacabka, dowladduna ay xoogga saari doonto sidii kooxahaas looga cirib tiri lahaa geyiga Soomaaliya.