Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhambaal ka guddoomay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Jordan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 21, 2016
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhambaal ka guddoomay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Jordan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa dhambaal ka guddoomay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Jordan, kaas oo uu ka siday boqorka dalka Jordan.

Dhambaalkaan  waxaa laga siday boqorka dalka Joran Cabdalla A-thani Ibnu Xuseen, waxaana uu soo wakiishay Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maalgashiga dalkaasi Dr Jawaad Al-anaani oo yimid magaalada Muqdisho, Villa Somalia, ayaa lagu soo dhoweeyey Wefdiga uu hoggaaminayey.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaalkaasi ka guddoomay Dr Jawaad Al-anaani, waxa uu uga warbixiyey sida boqortooyada Jordan ay u daneyneyso xoojinta iyo iskaashiga Soomaaliya ay la leedahay, sidoo kale waxa uu ammaanay doorashooyinka Soomaaliya ka socda oo uu ku tilmaamay ham cusub oo loogu gudbi karo nidaam Dimuqoraadiyaddeed oo buuxa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey boqorka dalka Jordan dhambaalka uu u soo diray, waxa uu sheegay in labada dal ay yihiin walaalo taariikh ay ka dhaxeyso, sidoo kale waxa uu xusay madaxweynuhu in la joogo waqtigii uu bilaaban lahaa dedaalka Jordan ay uga qeyb-qaadaneyso horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca maashaariicda wax soo-saarka iyo adeegyada kale.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa salaan u diray  boqorka Jordan, isla markaana ballan qaadey in  dib loo hagaagin doono xiriirka tooska ah ee ka dhaxeeya labada dal, sida ugu dhaqsiyaha badan.

IB0A4641 IB0A4650 IB0A4659

 

 

Previous Post

Dooni u rarneyd ganacsato oo ku degtay meel ka baxsan dekadda Bosaaso

Next Post

(Warbixin+Sawiro) Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo galkacyo usoo gaaray kormeerka iyo tiro koobka ciidanka Booliska Gobolka.

Next Post
(Warbixin+Sawiro) Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo galkacyo usoo gaaray kormeerka iyo tiro koobka ciidanka Booliska Gobolka.

(Warbixin+Sawiro) Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo galkacyo usoo gaaray kormeerka iyo tiro koobka ciidanka Booliska Gobolka.

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

July 12, 2025
0

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Soolka waxa ay ka wadaan, kulamo lagu dardargelinayo dhammeystirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In