Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo Khartuum lagu soo dhaweeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Soomaaliya oo Khartuum lagu soo dhaweeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomalaiya mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Abuuja ee dalka Nigeria ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu gaaray magaalada Khartuum ee cariga dalka Sudan halkaasi oo madaxweynaha iyo wafdigiisa si diiran loogu soo dhaweeyay.

Mudane Xasan Sheikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta barito ah uu ka qayb galo xaflada caleema saarka madaxweynaha dalkaasi Sudan mudane Cumar Xasan Al bashiir oo xilkaasi ku guuleystay doorashii dhawaan ka dhacday dalkaasi dhowr jeer oo horana isaga ayaa ku guuleystay xilkaan.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada xukuumadda federaalka ah ee dalka Soomaaliya Axmed Cali Kadiye oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Sudan gaaray ayaa waxaa uu ka warbixiyay imaashaha wafdiga ee dalka Sudan isagoo sheegay in inta madaxweynuhu dalkaas joogo uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madax kala duwan oo caalamka ka socota.

“Wafdiga madaxweynaha waxaa uu ka qayb gali doonaa caleema saarka madaxweynahaJamhuuriyadda Sudan mudane Cumar Xasan Al bashiir oo ka dhici doonta barito labada bisha Khartuum hadii alle yiraahdo wafdiga inta uu joogo madaxweynaha waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkani Sudan oo uu ugu horeeyo madaxweynaha iyo madaxda kale ee caalamka oo ka soo qayb gasha caleema saarka madaxweynaha haduu ilaahay idmo”ayuu yiri wasiirka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wadanka Nigeria magaala madaxdiisa Abuuja waxaa uu uga soo qayb galay xaflad lagu caleema saarayay madaxweynaha cusub ee wadankaasi Maxamuud Buxaari kaasi oo ku guuleystay doorashii dalkaasi ka dhacday waxaana uu madaxweynuhu sidoo kale kulan gaar ah  la qaatay madaxweynaha dalkaasi Nigeria oo ay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo quseeya xiriirka labada dal.

Previous Post

Marwada madaxweynaha oo deeq ku wareejisay gudigga gurmadka qaxootiga Yemen

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In