Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maantga kulan looga hadlayey wada-shaqeynta warbaahinta dawladda la qaatay Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Kulanka sanandlaha ah ee u dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Warbaahinta Soomaalida, waxa uu ahaa kulan ka duwan kuwii hore, wada hadal qaatay muddo ka badan afar saacadood ayaa dhexmaray labada dhinac. waxaa joogey madaxda NUSOJ.
Waxaa la iska wareysanayey waxyaabaha iska baddelay wada shaqeynta dowladda iyo warbaahinta, horumarka la sameeyey iyo in dowladdu ay ka jawaabto walaac ay dhinac kala duwan ka qabaan saxafiyiinta Soomaalida, iyadoo ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ah ee la xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah Saxafiyiina dunida.
Kulanka, waxa uu madaxweynuhu ugu yeeray wasiirradiisa Warfaafinta, Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya, si ay u dhageystaan cabashooyinka ay qabaan warbaahinta oo arrimo amni u badnaa, dowladda ama golyaha nabadda diiddan.
Madaxweynaha J.F. Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu horreyn la hadal u jeediyey qeybihii warbaahinta ee kulanta timdi, ayaa ku ammaanay doorka ay ka qaataan soo bandhiggidda horumarka dalka, iyagoo ku shaqeeya xaalado adag, waxa uu sheegay in dawladda aysan marnaba raali ka aheyn tacidyadaha ku dhaca saxafiyiinta, kuwa ay geystaan nabad-diidkuna laga qaadey tallaabooyin adag, isla markaana la marsiiyey caddaaladda.
“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la soo afrajo la xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka Suxufiyiinta, laakiin dhankiina waajib ayeey idin ku tahay inaad ummadda wacyigooda wax ka badeshaan oo aad ku hoggaamisaan in ay dalkooda dhistaan, jeclaadaan, nabad-galyada iyo horumarka bulshaduna ay ka shaqeeyaan, si ay dawladdu ugu fududaato shaqadeeda” ayuu yiri madaxweynaha.
Xubno u hadlay warbaahinta waxa ay muujiyeen in ay ka go’antahay la shaqeynta dowladda, si gaar ah amniga, sidoo kale waxay Madaxweynuhu u sheegeen in dawladdu ku taageerto sidii ay warbaahinta ugu tebin lahayd sida ugu habboon doorashooyinka dalka ka dhici doona dhowaan iyo arrimo kale.
Wasirika Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir )Maareeye) waxa uu sheegay in ay gudbiyeen qorshaha warbaahinta ee doorashooyinka oo uu filayo sida uu sheegay in ay ku soo dhammaan doonto sida ugu wanaagsan.
Yuusuf Garaad Cumar oo ah Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ahna Khabiir Saxafadeed, ayaa ku taliyey in saxaafaddu ay u shaqeyso sida dalkooda uu u eg yahay.
WAXAANA gabogabadii lagu heshiiyey in si dhab ah loo wada shaqeeyo.
dalka Soomaaliya waa waddanka kaliyah ee dawladdiisa ay Caddaaladda horkeentay afar ka mid ah kuwii dilay Saxafiyiin u adeegayey dadka iyo dalka, Madaxweynaha waxa uu ballan-qaadey in dhanka dawladda uusan xad-gudub ka imaan doonin, waxa uu warbaahintuna ku dhiirogeliyey in ay danaha Qaranka iyo dadkoodu ka horumariyaan midda gaarka