Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Soomaaliya waxay leedahay fursad ay ku noqoto horseedka dhaqaalaha qaaradda Afrika’’SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: ‘’Soomaaliya waxay leedahay fursad ay ku noqoto horseedka dhaqaalaha qaaradda Afrika’’SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Rome, 4 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada dalka Talyaaniga ee magaalada Rome.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa Talyaaniga uga waramey xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dib u soo kabashada dhaqaalaha, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo fidinta adeegyada bulshada.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyey taageerada Talyaaniga ee dib u dhiska Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in iyadoo laga duulayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal loo baahan yahay in Soomaaliya maalgashi lagu sameeyo.

‘’Waxaan Mudane Madaxweyne kaa codsaneynaa inaad ku dhiirigeliso dowladdaada iyo shirkadaha ganacsiga Talyaaniga inay maalgashadaan Soomaaliya, si looga faa’iideysto kheyraadka aan leenahay. Soomaaliya waxay leedahay kheyraad u saamaxaya inay noqoto horseedka dhaqaalaha Afrika, waxaana ku dhiirigelinayaa Talyaaniga inay ka faa’iideystaan fursaddaasi oo ay ka mid noqdaan waddamada ugu horeeya ee maalgashanaya dalkeena’’.

Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella ayaa u sheegay Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa in Talyaaniga uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, isla mar ahaantaana uu soo dhoweynayo codsiga Soomaaliya ee dhinacyada maalgashiga , iskaashiga dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo amniga.

Waxaa uu Mr Mattarella ku bogaadiyey Madaxweynaha Soomaaliya dadaalka uu ku bixinayo sugidda amniga, siyaasadda, fidinta adeegyada iyo arrimaha bulshada, kuwaas oo uu sheegay inay sii adkeynayaan barnaamijyada lagu xaqiijinayo dib u soo kabashada Soomaaliya, dowladda Talyaanigana ay taageero buuxda la garab taagan tahay.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka hadley arrinta muhaajiriinta ku soo qulqulaya Yurub, gaar ahaan Talyaaniga, kuwaas oo qaarkood ay yihiin muwaadiniin u dhashey Soomaaliya.

Madaxweynaha Talyaaniga Mr Mattarella ayaa soo dhoweeyay fikir uu soo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa in dhalinyarada Soomaalida ee u soo tahriibtey Talyaaniga, isla markaana ku guuldareystey in rasmi ahaan loo qaabilo, la siiyo tababaro mihnadeed, dalkana dib loogu soo celiyo si xirfadaha ay barteen ay ugu adeegsadaan dib u dhiska Soomaaliya.

Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada dal, waxaana uu ku dhammaadey jawi is afgarad leh.

-DHAMMAAD-

3

4 5

2

Previous Post

Wasiirka Shaqada oo ka qayb galay Barnaamijka kulanka Todobadka”SAWIRRO”

Next Post

Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Kenya Oo Booqday Dhadhaab “Sawirro”+Muuqaal

Next Post
Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Kenya Oo Booqday Dhadhaab “Sawirro”+Muuqaal

Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Kenya Oo Booqday Dhadhaab "Sawirro"+Muuqaal

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In