Wednesday, September 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Soomaaliya waxay saddexdii sanno ee la soo dhaafey guulo waaweyn ka soo hoysey dagaalka ka dhanka ah argagixisada”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 30, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Soomaaliya waxay saddexdii sanno ee la soo dhaafey guulo waaweyn ka soo hoysey dagaalka ka dhanka ah argagixisada”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

New York, 29 September: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley Shir Madaxeed gaar ah oo looga hadlayey la dagaalanka kooxda ISIL iyo xagjirnimada, kulankaas oo uu martigeliyey Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, kana dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York oo uu ka socdo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgaley inta badan hoggaamiyeyaasha caalamka, iyagoo ka doodayey sida loola tacaalayo caqabadaha la xiriira la dagaalanka argagixisada caalamiga, iyo sida looga hortagayo faafitaanka xagjirnimada hubeysan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025

Madaxweynaha ayaa kulan madaxeedkaasi kadib sheegay in dagaalka argagixisada uu yahay mid caalami ah oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho.

“Dunida waxay aragtey isku dayada fuleynimada ku dheehan ee Al Shabaab ku dooneyso inay ku carqaladeyso horumarka Soomaaliya. Weerarada waxashnimada ah ee ay ka geysteen dalalka deriska ee Bariga Afrika waxay muujiyeen in khatarta argagixisada aaney ku koobneyn oo keliya xudduudaha Soomaaliya”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadley hawlgalada milateri ee dowladdiisa ay ku qaaddey Al-Shabaab oo uu sheegay inay mira dhal ahaayeen.

“Guulaha Soomaaliya ee dhinaca la dagaalanka argagixisada saddexdii sanno ee la soo dhaafey waxaa ay muujiyeen in Al Shabaab laga guuleysan karo. Soomaaliya waa dalka keliya ee awooday inuu si wanaagsan dhulkiisa ugu jebiyo koox argagixiso caalami ah.”

Saddexdii sanno ee la soo dhaafey, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay dib u xoreysey magaalooyin dhowr ah iyo saldhigyo. Al-Shabaab, oo mar gacanta ku haysey inta badan Koonfuurta Soomaaliya, ayaa waxaa laga saarey boqolkiiba 80 dhulkii ay ka talinayeen. Hawlgalka looga guuleystey Al Shabab oo ay wada fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, waxaa uu muujiyey in Al Shabaab ay u nugul yihiin hawlgalada milatari ee sida hufan la isugu dubbarido.

Madaxweynaha ayaa qirey doorka muuqda ee dalalka Midowga Afrika ee hawlgalka AMISOM ciidammada ugu deeqay sida – Uganda, Burundi, Sierra Leone, Djibouti, Kenya iyo Ethiopia, oo uu sheegay inay cayaareen door wanaagsan oo lagu taageerayo Soomaaliya.

“Guuldarooyinka milatari ee la soo gudboonaadey awgood, Al Shabaab waxay dagaalkooda u weeciyeen xeelado cusub oo ay koox koox ugu fulinayaan weeraro argagixiso oo ay ku qaadayaan goobo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah iyo weliba dalalka deriska. Si tani looga hortago, waxaanu diyaariney siyaasad iyo sharci dhibaatadan lagu wajahayo , waxayna tallaabadani inoo suuragelineysa inaan yeelano barnaamij inoo gaar ah oo aan kaga hortagno argagixisada,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Istaraaatiijiyadda la dagaalanka argagixisada waxay Soomaaliya u suuragelineysaa inay kaga hortagto shabakadaha argagixisada, iyadoo laga hortagayo barnaamijyadooda, lagana xayirayo awoodaha ay u yeelan karaan inay si xor ah ugu fuliyaan falal argagixiso iyo inay qortaan dhalinyaro la qasbey ama maskaxda laga xadey oo ay ka dhigtaan malishiyaad u dagaalama. Waxaa kale oo istaraatiijiyaddan ay hay’adaha dowladda u saamaxayaan inay adeegyada bulshada ee aasaasiga ah u fidiyaan shacabka ku nool degaannada laga xorreeyay Al Shabaab, iyo in la baahiyo fariimo dadka looga digayo khatarta fikradaha khaldan ee takfiiriga ah iyo aydoloojiyadda xagjirnimada.

Talaabooyinkan waxay kale oo keeni karaan in xubnaha Al Shabaab ay ururkaasi isaga baxaan, isla markaana ay noqdaan dad qaata mabaadi’da dowladda ee ku dhisan dib u heshiisiinta, iyo dhaqangelinta barnaamijyo lagu dhaqan-celinayo dhalinyarada ay saameeyeen fikradaha khaldan ee Al Shabaab.

“Horumarka wanaagsan ee aan sameyneyno ka sokow, waxaa dhanka kale xaqiiq ah in caqabadaha jira ay badan yihiin. Waa inaan ka guuleysanaa Al Shabaab, isla markaana aan xajisanaa goobaha aan xorreyney. Waa inaan waqti badan iyo hantiba gelinaa dadaalada dib u heshiisiinta si aan xukunka ugu baahino goobaha cusub ee dhowaan laga saarey cadowga’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa beesha caalamka ku ammaaney taageerada ay ka geysanayaan xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya, laakiin waxaa uu sheegay in muhimadda ugu weyn ay tahay in la horumariyo ciidammada Soomaaliya, kuwaas oo hanan kara nabadgelyada dalka. Waxaa uu Madaxweynaha ku baaqey in la dhameystiro barnaamijka isku dhafka ciidammada, kaas oo si hufan ku bilowday, loona baahan yahay in taageero buuxda loo fidiyo si loo helo ciidan hufan oo qaranka Soomaaliyeed uu leeyahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ku baaqey in la iska kaashado la dagaalanka argagixisada.

“Iyadoo kooxaha argagixisada ay sameynayaan falal ay dadka kaga dhaadhicinayaan fikirkooda, dhexdoodana uu ka jiro iskaashi, ayaa waxaa loo baahan yahay inaan inaguma mowqif mid ah ka yeelano. Waa inuu jiraa dadaal heer gobol ah oo aan u wada dhannahay , kaas oo looga soo horjeedo Al Shabaab. Qorshe noocaas ah waxaa uu suuragelin karaa inaan gebi ahaanba ka adkaano Al Shabab, isla markaana aan hor istaagno in maliishiyaadka Bariga Afrika ay isbaheysi la sameystaan kooxaha kale ee argagixisada sida Boko Haram iyo ISIL”.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ugu baaqey dalalka Bariga Afrika inay sameystaan istaraatiijiyad loo dhan yahay oo looga hortagayo argagixisonimada si looga hortago khatarta argagixisada iyo xagjirnimada, isagoo intaa raaciyey in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay qorshahaasi qeyb ka noqoto.

— DHAMMAAD—

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Ganacsatada oo looga digay inay qashinka ku soo daadiyaan waddooyinka

Next Post
Ganacsatada oo looga digay inay qashinka ku soo daadiyaan waddooyinka

Ganacsatada oo looga digay inay qashinka ku soo daadiyaan waddooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu...

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aalo la xiriirra waxyaabaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In