Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Turkiga oo soo sagootiyay markab sahminayo Shidaalka Dalkeenna

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Turkiga oo soo sagootiyay markab sahminayo  Shidaalka Dalkeenna
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar iyo Gudoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay markabka Oruç Reis kaas oo ku soo jeeda Soomaaliya.

Markabkan sahminta (Seismic) ayaa maanta kasoo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak, isagoo mari doona jidka Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas, wuxuuna ku degi doonaa meel u dhow biyaha Soomaaliya dhammaadka bisha Oktoobar. Safarka waxaa la filayaa inuu qaato qiyaastii 19 maalmood.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Markii uu yimaado Soomaaliya, Oruç Reis wuxuu fulin doonaa baaritaan (3D seismic) saddex aag oo gaar ah kana kooban 15000 KM2 square, hawlgalkuna wuxuu socon doonaa qiyaastii toddoba bilood. Inta lagu jiro waqtigan, markabku wuxuu ururin doonaa xog ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah. Xogta la ururiyay waxa loo diri doonaa Ankara si loo falanqeeyo, taasoo hagi doonta hawlaha qodista ee mustaqbalka.

Oruç Reis oo dhererkiisu yahay 87 mitir iyo ballaciisu yahay 23 mitir waa hanti muhiim ah oo ka mid ah dadaallada sahminta badda ee Türkiye. Hawlgalkan, Türkiye waxay ballaarinaysaa khariiradeeda sahminta, waxayna furaysaa bog cusub oo xiriirka ka dhexeeya iyada iyo xulafadeeda dhow ee Soomaaliya, iyada oo si wadajir ah loo sahminayo keydka gaaska dabiiciga ah iyo saliidda.


Previous Post

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo kulan doceedyo la qaatay qaar kamid ah wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka Afrika

Next Post

Ciidamada Qalabka Sida oo Hawlgallo lagu laayay Khawaarijta ka fuliyay Galgaduud

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Ciidamada Qalabka Sida oo Hawlgallo lagu laayay Khawaarijta ka fuliyay Galgaduud

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In