Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MADAXWEYNAHA: Waa in taageerada Caalamku ay noqotaa mid dadkeena u abuureysa fursado shaqo iyo nolol’- SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
MADAXWEYNAHA: Waa in taageerada Caalamku ay noqotaa mid dadkeena u abuureysa fursado shaqo iyo nolol’- SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si rasmi ah magaalada Muqdisho ugu xoo xiray aqoon is-weydaarsi muddo saddex maalmood ah socday, oo ay ka soo qeybgaleen xubno ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira, kaas oo looga hadlayey mashaariicda horumarinta ee barnaamijka Cahdiga Cusub (New Deal).

Hadal uu ka jeediyay munaasabad casho sharaf ah oo shirkaasi lagu soo gabagabeynayay oo ka dhacdey xarunta gobolka Banaadir, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay dib uga soo kabaneyso burburkii iyo colaaddii muddada dheer jiray, haatanna loo baahan yahay in la dardar-geliyo mashaariicda horumarinta.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Barnaamijkan New Deal ama Cahdiga Cusub ee dib u dhiska Soomaaliya waa mid muhiim inoo ah. Arinta keliya ee wallaaca nagu haysa ee aan dooneyno inay beesha caalamka inala fahmaan ayaa ah in muhimad gaar ah la siiyo kaabeyaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, farsamada iyo adeegyada kale ee aasaasiga ee fursado shaqo iyo nolol u abuuraya Soomaalida’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo intooda badan ah dhalinyaro ay dantu ku khasabtey inay noloshooda ku tiirsanaato qoriga, ha noqdeen kuwo dowladda u shaqeeya, kuwo fal dembiyeed faraha kula jira, kuwo argagixisada la shaqeeya iyo kuwo ka hawlgala meelo kale oo aan nolosha ku habboonayn, si taasi loo beddelo oo xirfado kala duwan ay u yeeshaanna loo baahan yahay in wax loo qabto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale hadalkiisa ku xusay heshiiskii dhowaan lagu gaarey Gaalkacyo ee lagu soo afjarey dagaalkii halkaa ku dhexmarey maamullada Puntland iyo Galmudug.

“Nasiib darro ayay ahayd in mar kale shacabkeena dagaal sokeeye la geliyo, laakiin waxaa wax lagu farxo ah in Soomaalida oo dhan ay dirirtaasi ku baxdey, xal Soomaaliyeedna u helay colaaddaasi dadka walaalaha ah u dhexeysey. Waad aragtaan caawa inay inala fadhiyaan, magaalada Muqdishana iyagoo wada jira ay wada yimaadeen madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland’’.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha waxaa uu mar kale soo dhoweeyay dadaalka ganacsatada Soomaalida ee dhinaca maalgashiga dalka, tallaabadaas oo uu ku tilmaamey inay astaan wanaagsan u tahay mustaqbalka dalka.

Xafladda casho sharafta ayaa waxaa ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug, Cabdiweli Maxamed Cali, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo mas’uuliyiin kale.

IB0A2273 IB0A2258 IB0A2164 IB0A2341

Previous Post

Mareykanka oo duqeyn ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab

Next Post

BEYDHABO: Xildhibaannada Koofur-Galbeed oo maanta la dhaariyay

Next Post
BEYDHABO: Xildhibaannada Koofur-Galbeed oo maanta la dhaariyay

BEYDHABO: Xildhibaannada Koofur-Galbeed oo maanta la dhaariyay

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In