Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MADAXWEYNAHA: Waa in taageerada Caalamku ay noqotaa mid dadkeena u abuureysa fursado shaqo iyo nolol’- SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
MADAXWEYNAHA: Waa in taageerada Caalamku ay noqotaa mid dadkeena u abuureysa fursado shaqo iyo nolol’- SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si rasmi ah magaalada Muqdisho ugu xoo xiray aqoon is-weydaarsi muddo saddex maalmood ah socday, oo ay ka soo qeybgaleen xubno ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira, kaas oo looga hadlayey mashaariicda horumarinta ee barnaamijka Cahdiga Cusub (New Deal).

Hadal uu ka jeediyay munaasabad casho sharaf ah oo shirkaasi lagu soo gabagabeynayay oo ka dhacdey xarunta gobolka Banaadir, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay dib uga soo kabaneyso burburkii iyo colaaddii muddada dheer jiray, haatanna loo baahan yahay in la dardar-geliyo mashaariicda horumarinta.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

“Barnaamijkan New Deal ama Cahdiga Cusub ee dib u dhiska Soomaaliya waa mid muhiim inoo ah. Arinta keliya ee wallaaca nagu haysa ee aan dooneyno inay beesha caalamka inala fahmaan ayaa ah in muhimad gaar ah la siiyo kaabeyaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, farsamada iyo adeegyada kale ee aasaasiga ee fursado shaqo iyo nolol u abuuraya Soomaalida’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo intooda badan ah dhalinyaro ay dantu ku khasabtey inay noloshooda ku tiirsanaato qoriga, ha noqdeen kuwo dowladda u shaqeeya, kuwo fal dembiyeed faraha kula jira, kuwo argagixisada la shaqeeya iyo kuwo ka hawlgala meelo kale oo aan nolosha ku habboonayn, si taasi loo beddelo oo xirfado kala duwan ay u yeeshaanna loo baahan yahay in wax loo qabto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale hadalkiisa ku xusay heshiiskii dhowaan lagu gaarey Gaalkacyo ee lagu soo afjarey dagaalkii halkaa ku dhexmarey maamullada Puntland iyo Galmudug.

“Nasiib darro ayay ahayd in mar kale shacabkeena dagaal sokeeye la geliyo, laakiin waxaa wax lagu farxo ah in Soomaalida oo dhan ay dirirtaasi ku baxdey, xal Soomaaliyeedna u helay colaaddaasi dadka walaalaha ah u dhexeysey. Waad aragtaan caawa inay inala fadhiyaan, magaalada Muqdishana iyagoo wada jira ay wada yimaadeen madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland’’.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha waxaa uu mar kale soo dhoweeyay dadaalka ganacsatada Soomaalida ee dhinaca maalgashiga dalka, tallaabadaas oo uu ku tilmaamey inay astaan wanaagsan u tahay mustaqbalka dalka.

Xafladda casho sharafta ayaa waxaa ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug, Cabdiweli Maxamed Cali, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo mas’uuliyiin kale.

IB0A2273 IB0A2258 IB0A2164 IB0A2341

Previous Post

Mareykanka oo duqeyn ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab

Next Post

BEYDHABO: Xildhibaannada Koofur-Galbeed oo maanta la dhaariyay

Next Post
BEYDHABO: Xildhibaannada Koofur-Galbeed oo maanta la dhaariyay

BEYDHABO: Xildhibaannada Koofur-Galbeed oo maanta la dhaariyay

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In