Friday, December 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Waa in xoogga la saaraa xoojinta Afka Soomaaliga, laguna faanaa hiddaha iyo dhaqanka qaniga ah ee aanu leenahay”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: “Waa in xoogga la saaraa xoojinta Afka Soomaaliga, laguna faanaa hiddaha iyo dhaqanka qaniga ah ee aanu leenahay”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ummad kasta ay horumar dhan kasta ah ku gaari karto marka ay xoogga saarto adeegsiga luqaddeeda iyo dhaqankeeda.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabadda Sannad Guuradii 43-aad ee ka soo wareegtay markii la dhaqangeliyey qorista Afka Soomaaliga oo maanta lagu qabtey Xarunta Akademiyadda Cilmiga, Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta ee magaalada Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

December 5, 2025
Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo kulan la qaatay ciidan Soomaali ah oo ku sugan dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo kulan la qaatay ciidan Soomaali ah oo ku sugan dalkaasi

December 5, 2025

“Qorista farta Soomaaliga waxay ka mid tahay guulaha ay Soomaalida ku faani karto. Go’aanka lagu hirgeliyey qorista afkeena 43 ka hor waxaa ku jirta cibrad ah in marka la helo nidaam iyo kala dambeyn wax walba iyo horumar kasta la gaari karo. Waan ognahay in muddo dheer ay socdeen dadaallo la doonayey in lagu qoro afka, balse sannadkii 1973-kii uu noqday sannadkii ay xukuumadda waagaas jirtey hirgelisey riyadaasi ay muddada dheer shacabkeena qabeen. Waxaa dhammaanteen waajib inaga saaran yahay inaan xoogga saarno xoojinta Afka Soomaaliga, laguna faanaa hiddaha iyo dhaqanka qaniga ah ee aanu leenahay’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo la kaashaneysa hay’adaha kala duwan ee jira ay diyaar u yihiin in la xoojiyo afka Soomaaliga, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo muhimadda afka uu u leeyahay waddanka iyo sida u wax uga tari karo horumarka iyo adkeynta midnimada.

“Luqaddu waxay xambaarsan tahay taariikhda, dhaqanka, hiddaha, caqiiddada iyo wax walba oo ummad ku faani karto, ama horumar ku hiigsan karto. Markaad eegto dalalka dunida ee horey u marey, midkoodna heer kuma gaarin luqad shisheeye. Waa inaan ku faanaa afkeena, macaamiilkeena iyo xiriirkeenana uu noqdaa Af Soomaali, heer dowladeed iyo bulsho intaba. Luuadaha qalaad waxaa inooga filan inaan ka barano inta aan dunida kale kula xiriireyno, laakiin waxaa mar walba muhimadda koowaad leh afkeenna. Waxaana dhiirigelinayaa kobcinta erey bixinta Afka Soomaaliga oo la jaanqaadaya adeegyada maamulka iyo tiknoloojiyadda casriga ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu bogaadiyay tallaabadii dhowaan uu qaadey maamulka gobolka Banaadir ee ahaa in dhammaan boorarka goobaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho ku suran lagu qoro Afka Soomaaliga, isagoo dhanka kalena xusuusiyey shacabka inay xil wey iska saaraan ilaalinta iyo kobcinta afkooda, maadaama Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Culuunta, Dhaqanka iyo Sayniska ee UNESCO ay sheegtay in Afka Soomaaliga uu ka mid yahay afafka khatarta ugu jira inay ka dabar go’aan dunida.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha ka hawlgalaya Soomaaliya sharciyadda ay ku shaqeynayaan lagu qoro afka Soomaaliga, isagoo qurba joogta Soomaalidana ugu baaqey inay ka shaqeeyaan sidii ay carruurtooda u bari lahaayeen afka , hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliga.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha ammaanay doorka wanaagsan ee uu kobcinta Afka Soomaaliga ka qaatey Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha ayaa munaabaddaasi abaalmarino ku guddoonsiiyay dhalinyaro iyo haween Soomaaliyeed oo ka kala socday gobollada kala duwan ee dalka, kuwaas oo ka qeyb qaatey tartan dhinaca suugaanta iyo farshaxanka oo lagu maamuusaayey maalinta qorista farta Soomaaliga ee 21-ka January.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa xafladda ka hor uu si rasmi ah xarigga uga jarey Xarunta Akademiyadda, Cilmiga, Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta oo dib loo dayactiray dagaalladii sokeeye kadib.

Munaasabadda 21-ka January, waxaa iyana ka soo qeybgaley hadalana ka jeediyay mas’uuliyiin ay ka mid ahayd Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Drs Khadar Bashiir Cali, Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir, Wasiir Ku-Xigeenka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Muumino Sheekh Cumar iyo mas’uuliyiin kale.

3e964512-65c2-43ab-ad47-f5f4542ca5aa 07ff4eb3-f72b-4b73-b325-a65211976043 4800668b-ce04-4a55-8a44-3e5de419ad82 91035827-3708-4aea-a2a6-dc314c898e60 a1a64ce0-0b59-47e2-a860-354ae2f1f1cb dc0a7377-0397-4cb3-9c0f-fc4be63c452a deae5d83-762e-4002-90d7-0ffccab5e162

Previous Post

Booliiska Kenya oo toogasho ku dilay rag loo heystay falal argagixiso

Next Post

Weerar ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay xeebta Liido

Next Post
Duqii degmada Afgooye oo Miino loo aasay u geeriyooday

Weerar ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay xeebta Liido

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

December 5, 2025
0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye oo qabtay dood cilmiyeed ay ka qeybgaleen qaar kamid ah...

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo kulan la qaatay ciidan Soomaali ah oo ku sugan dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo kulan la qaatay ciidan Soomaali ah oo ku sugan dalkaasi

December 5, 2025
0

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia , oo ay weheliyaan diblomaasiyiinta Safaaradda, ayaa kulan dhiirigalin ah...

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

December 4, 2025
0

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray kulan wadatashi ah...

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo booqday ciidamo tababar ku qaadanaya dalkaas

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo booqday ciidamo tababar ku qaadanaya dalkaas

December 4, 2025
0

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia , oo ay weheliyaan diblomaasiyiinta Safaaradda, ayaa maanta booqasho iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In