Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Waa in xoogga la saaraa xoojinta Afka Soomaaliga, laguna faanaa hiddaha iyo dhaqanka qaniga ah ee aanu leenahay”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: “Waa in xoogga la saaraa xoojinta Afka Soomaaliga, laguna faanaa hiddaha iyo dhaqanka qaniga ah ee aanu leenahay”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ummad kasta ay horumar dhan kasta ah ku gaari karto marka ay xoogga saarto adeegsiga luqaddeeda iyo dhaqankeeda.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabadda Sannad Guuradii 43-aad ee ka soo wareegtay markii la dhaqangeliyey qorista Afka Soomaaliga oo maanta lagu qabtey Xarunta Akademiyadda Cilmiga, Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta ee magaalada Muqdisho.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026

“Qorista farta Soomaaliga waxay ka mid tahay guulaha ay Soomaalida ku faani karto. Go’aanka lagu hirgeliyey qorista afkeena 43 ka hor waxaa ku jirta cibrad ah in marka la helo nidaam iyo kala dambeyn wax walba iyo horumar kasta la gaari karo. Waan ognahay in muddo dheer ay socdeen dadaallo la doonayey in lagu qoro afka, balse sannadkii 1973-kii uu noqday sannadkii ay xukuumadda waagaas jirtey hirgelisey riyadaasi ay muddada dheer shacabkeena qabeen. Waxaa dhammaanteen waajib inaga saaran yahay inaan xoogga saarno xoojinta Afka Soomaaliga, laguna faanaa hiddaha iyo dhaqanka qaniga ah ee aanu leenahay’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo la kaashaneysa hay’adaha kala duwan ee jira ay diyaar u yihiin in la xoojiyo afka Soomaaliga, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo muhimadda afka uu u leeyahay waddanka iyo sida u wax uga tari karo horumarka iyo adkeynta midnimada.

“Luqaddu waxay xambaarsan tahay taariikhda, dhaqanka, hiddaha, caqiiddada iyo wax walba oo ummad ku faani karto, ama horumar ku hiigsan karto. Markaad eegto dalalka dunida ee horey u marey, midkoodna heer kuma gaarin luqad shisheeye. Waa inaan ku faanaa afkeena, macaamiilkeena iyo xiriirkeenana uu noqdaa Af Soomaali, heer dowladeed iyo bulsho intaba. Luuadaha qalaad waxaa inooga filan inaan ka barano inta aan dunida kale kula xiriireyno, laakiin waxaa mar walba muhimadda koowaad leh afkeenna. Waxaana dhiirigelinayaa kobcinta erey bixinta Afka Soomaaliga oo la jaanqaadaya adeegyada maamulka iyo tiknoloojiyadda casriga ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu bogaadiyay tallaabadii dhowaan uu qaadey maamulka gobolka Banaadir ee ahaa in dhammaan boorarka goobaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho ku suran lagu qoro Afka Soomaaliga, isagoo dhanka kalena xusuusiyey shacabka inay xil wey iska saaraan ilaalinta iyo kobcinta afkooda, maadaama Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Culuunta, Dhaqanka iyo Sayniska ee UNESCO ay sheegtay in Afka Soomaaliga uu ka mid yahay afafka khatarta ugu jira inay ka dabar go’aan dunida.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha ka hawlgalaya Soomaaliya sharciyadda ay ku shaqeynayaan lagu qoro afka Soomaaliga, isagoo qurba joogta Soomaalidana ugu baaqey inay ka shaqeeyaan sidii ay carruurtooda u bari lahaayeen afka , hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliga.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha ammaanay doorka wanaagsan ee uu kobcinta Afka Soomaaliga ka qaatey Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha ayaa munaabaddaasi abaalmarino ku guddoonsiiyay dhalinyaro iyo haween Soomaaliyeed oo ka kala socday gobollada kala duwan ee dalka, kuwaas oo ka qeyb qaatey tartan dhinaca suugaanta iyo farshaxanka oo lagu maamuusaayey maalinta qorista farta Soomaaliga ee 21-ka January.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa xafladda ka hor uu si rasmi ah xarigga uga jarey Xarunta Akademiyadda, Cilmiga, Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta oo dib loo dayactiray dagaalladii sokeeye kadib.

Munaasabadda 21-ka January, waxaa iyana ka soo qeybgaley hadalana ka jeediyay mas’uuliyiin ay ka mid ahayd Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Drs Khadar Bashiir Cali, Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir, Wasiir Ku-Xigeenka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Muumino Sheekh Cumar iyo mas’uuliyiin kale.

3e964512-65c2-43ab-ad47-f5f4542ca5aa 07ff4eb3-f72b-4b73-b325-a65211976043 4800668b-ce04-4a55-8a44-3e5de419ad82 91035827-3708-4aea-a2a6-dc314c898e60 a1a64ce0-0b59-47e2-a860-354ae2f1f1cb dc0a7377-0397-4cb3-9c0f-fc4be63c452a deae5d83-762e-4002-90d7-0ffccab5e162

Previous Post

Booliiska Kenya oo toogasho ku dilay rag loo heystay falal argagixiso

Next Post

Weerar ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay xeebta Liido

Next Post
Duqii degmada Afgooye oo Miino loo aasay u geeriyooday

Weerar ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay xeebta Liido

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In