Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO SAWIRADA-Madaxweynaha: ‘’Waa inaad ku dhiirrataan fulinta sharciga, dhegahana aad ka fureysataan kuwa doonaya in caddaaladda la hareer maro’’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRADA-Madaxweynaha: ‘’Waa inaad ku dhiirrataan fulinta sharciga, dhegahana aad ka fureysataan kuwa doonaya in caddaaladda la hareer maro’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley xarunta madaxtooyada afur ugu sameeyay saraakiisha ciiddamada booliska ee gobollada dalka.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa booliska ku adkeeyay inay si hufan qaranka ugu adeegaan, qeybna ka qaataan sidii looga gudbi lahaa marxaladdan adag ee lagu jiro.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026

“Booliska waa ciidanka ugu fac weyn dalkeena. Marxaladda haatan uu dalka ku sugan yahayna waxaa looga fadhiyaa inay kaalin weyn ka qaataan. Waxaan idin ku boorinayaa inaad sharciga ku dhaqankiisa horseed u noqotaan, isla markaana aad iska dhega tirtaan kuwa doonaya in sharciga la hareer maro. Waddankan si uu horumar u gaaro, waxaa uu u baahan yahay caddaalad, idinkuna kaalin weyn ayaad ku leedihiin sidii caddaaladda loo dhaqangelin lahaa,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la dhameystiro dhismaha qeybaha kala duwan ee booliska, si hawsha booliska ee ay u hayaan shacabka u noqoto mid dhameystiran, isagoo dhanka kalena farey taliska ciidanka booliska inuu diyaariyo jiil cusub oo dhalinyaro boolis ah oo mustaqbalka u adeega qaranka.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu ammaan u jeediyay Taliyaha Booliska S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamid, oo uu sheegay in muddadii gaabneyn ee u xilka hayey inuu wax badan ku soo kordhiyey ciidanka Booliska.

Saraakiishan booliska ee maamullada iyo gobollada kale ee dalka ayaa magaalada Muqdisho kaga qeybgalayey siminaar ku saabsan baahida booliska, iyagoo isla markaana si wadajir ah beesha caalamka ugu gudbiyey dokumenti mid ah oo qeexaya baahida booliska, tallaabadaas oo qeyb ka ah barnaamijka dowladda ee dib u dhiska iyo dib u habeynta booliska Soomaaliyeed.

0NqoTmBuJvc3haLbsIh_XAhxiESxC0EF0lcDdVUVaG4QE_gIk4PEvqtn0OkLTZOWph7NpO3ldPV72rsZyjRjFLUpxkxn5o8AXhJmSILx_iaeFG7wmQ7T_U_lbHVxE0Hj_bJMItlqnk-bUgoAIQ=s0-d-e1-ft AQ6kfkf-EDAKm0zGJkdRjpTRTHDMHJNtyJxSXG2PUjQm71fyCJsmP0cuvMB4rBsoFwmYVzMb0mjR57lgmeEG9qF-XPpLr8HtBOG0j7FeTQnPGCmLmsHBIlW8swclod0ELQRvTHtxq4mJ7UDoow=s0-d-e1-ft F2oSqMmBD1_kWIGYMN06AOe-EElyJ6s_JrSeFLpGI8pg9XJmmqQ5j4Ci07Lnos2J_m4iaYCOgUy7rtNKYH_csKSmtILBQXcMAHmQFlFX0krPq4wey8UAjpr-BJP2SIuWTdpQfx5_J3KSfImaGA=s0-d-e1-ft kkk lll ooo ppp R54VQmaBp3vrrfoSPWJPeqAHw7JWb7vDt6nHTjMvgzsqCrLRo0GZk8weaAJ8mIk2hBFcyzv2GqZ2P-vgIJ2K32L1Ikvams1lPWVTGVHgtF5Gtt3CLcaKjQlAOQ8lxTitRZhmdrgVl_kWUtGAHA=s0-d-e1-ft z5FcM-JWuD08w5dFIKEDRhOvN9v4JbN-uJWaIIP8fEUOfzXlsw6OiYVdyClPZw4ja1INM6tqcdp0ekupNfV4bu5nG5kya2R4IW3kij-7pckIQg19uNJ7yc3IpYMq4QpZxt3fL2bBgBUUZNUJqQ=s0-d-e1-ft zja5LeWuqfZkcWH21TANdK_tfZvhsEI8EfQQF__UlDj4bioeeH-4Pte2wr0QoWA4E-Jk_9R8fdsaQdbo3RL3ilELNu8TIMOHft3lLNoPz0LT9jl-nS87d7CgW0ZgcScYvdcHVydHSfhNnpabpA=s0-d-e1-ft

Previous Post

DAAWO SAWIRADA:- Sida ay u ciideen Soomaalida ku nool magaalada Tromsø ee Woqooyiga Norwey

Next Post

DAAWO SAWIRADA-Wasiirrada arrimaha gudaha iyo Qorsheynta oo Bulshada Kula ciiday Jaamacadda SIMAD.

Next Post
DAAWO SAWIRADA-Wasiirrada arrimaha gudaha iyo Qorsheynta oo Bulshada Kula ciiday Jaamacadda SIMAD.

DAAWO SAWIRADA-Wasiirrada arrimaha gudaha iyo Qorsheynta oo Bulshada Kula ciiday Jaamacadda SIMAD.

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In