Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Waa inaan xaqiijinaa in shacabka Soomaaliyeed ay helaan nolol ka madaxbanaan cabsi, amar ku taagleyn iyo cabburin’’

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Waa inaan xaqiijinaa in shacabka Soomaaliyeed ay helaan nolol ka madaxbanaan cabsi, amar ku taagleyn iyo cabburin’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo maanta la xusayo Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha, ayaa Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhowrista iyo kor u qaadista xuquuqda aadanaha ee waddanka.

“Waa inaan dib u cusboonaysiinaa dadaalka aan ku muujinayno sida ay inooga go’an tahay in si joogta ah loo qiimeeyo, loona xushmeeyo nolosha bani’aadamka ee gudaha dalka Soomaaliya: rag, haween iyo carruur intaba. Ma ahan in dastuurkeena iyo sharciyadeena oo keliya lagu xuso xuquuqda aadanaha, balse waxaa lagama maarmaan ah in nidaamka dowliga iyo hannanka aan leenahay ay noqdaan kuwo saamaxaya in lagu dabbaqo guud ahaan dalka Soomaaliya. Waxaa intaas dheer oo nalaga doonayaa in aan shakhsiyan xaqiijino in nolol maalmeedkeena uu noqdo mid ka tarjumaya sunnada Rasuulkeena Muxammad (Caleyhi Salaatu wa Salaam) ee ahayd inuu caawiyo dadka masaakiinta iyo kuwa nugul ee bulshada ka mid ah,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026

Waxaa Madaxweynaha uu intaa ku darey in walow dadaalo lagu xaqiijinayo dhowrista xuquuqda aadanaha ay socdaan, haddana loo baahan yahay in dadaalkaasi la labanlaabo.

“Soomaaliya waxay sameysay horumar la taaban karo, dhanka dhowrista xuquuqda aadanaha , iyadoo hawlaha dowladdana lagu saleeyay horumarkaasi, laakiin waxaa marag ma doonto ah in wax badan dhiman yihiin. Iyadoo Soomaaliya ay horay ugu sii dhaqaaqeyso dhabbadii nabadgelyada iyo barwaaqada, waxaan mar kale, ka Madaxweyne ahaan, codkayga ku biirinayaa dareenka caalamka, balanna qaadayaa xaqiijinta in dhammaan Soomaalida ay helaan nolol ka madaxbanaan cabsi, amar ku taagleyn iyo cabburin,’’ ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Previous Post

Taliyaha CXD oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka xooga dalka

Next Post

Soomaaliya oo ka qaybgashay Bandhig Dhaqameed lagu soo gabagabeeyay Dalka Kuwait ka

Next Post
Soomaaliya oo ka qaybgashay Bandhig Dhaqameed lagu soo gabagabeeyay Dalka Kuwait ka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Bandhig Dhaqameed lagu soo gabagabeeyay Dalka Kuwait ka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

January 28, 2026
0

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In