Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Waan ka tacsiyeynaya geerida 45-ka askari ee dowladda Imaaraadka looga diley Yemen iyagoo gudanaya waajibkooda’’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: ‘’Waan ka tacsiyeynaya geerida 45-ka askari ee dowladda Imaaraadka looga diley Yemen iyagoo gudanaya waajibkooda’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Madaxweynaha: ‘’Waan ka tacsiyeynaya geerida 45-ka askari ee dowladda Imaaraadka looga diley Yemen iyagoo gudanaya waajibkooda’’

Muqdisho, 6 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayid Al Nahyan iyo shacabka Imaaraadka, isagoo uga tacsiyeeyay dilkii 45 askari oo waddankaasi u dhashey, oo ka dhacay dalka Yemen.

‘’Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Allah u naxariisto geesiyaasha dhintey, waxay naftooda ku waayeen iyagoo difaacaya qaddiyad ku dhisan xaq iyo caddaalad, dhimashadoodana ma hakin doonto taageerada Jaamacadda Carabta ay ka geysaneyso nabad ka aslaaxinta Yemen’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha askarta dhimatey Ilaahay uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo, qoysaskii iyo shacabka ay ka tageenna uu Ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo.

Ciidammadan ayaa qeyb ka ahaa isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee taageeraya dowladda sharciga ah ee ka jirta Yemen ee Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey in Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay mowqifka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan xasaradda Yemen.

Previous Post

Cayaartooyda Xulka Qaranka oo kulan qado ah loo sameeyay “SAWIRRO”

Next Post

100 Arday Oo Maanta Ka Qalinjabisay Kuliyadda Shareecada Islaamka Jamacaada Bariga Afrika Faraca Goldogob

Next Post
100 Arday Oo Maanta Ka Qalinjabisay Kuliyadda Shareecada Islaamka Jamacaada Bariga Afrika Faraca Goldogob

100 Arday Oo Maanta Ka Qalinjabisay Kuliyadda Shareecada Islaamka Jamacaada Bariga Afrika Faraca Goldogob

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In