Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Waqtiga inoo harey kuma filna inaan bilowno is-qabqabsi cusub, waxaana baarlamanka iyo hay’adaha kale ee dastuuriga horyaalla hawlo muhiim u ah mustaqbalka iyo horumarka dalka’’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: ‘’Waqtiga inoo harey kuma filna inaan bilowno is-qabqabsi cusub, waxaana baarlamanka iyo hay’adaha kale ee dastuuriga horyaalla hawlo muhiim u ah mustaqbalka iyo horumarka dalka’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 13 August 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka warbixiyey marxaladda uu dalku marayo, dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlayey xafiiskiisa ayaa sheegay inuu ka war hayo warar sheegaya in koox xildhibaanno ah oo ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay diyaariyeen mooshin isaga ka dhan ah, isagoo sheegay in waqtigan la joogo baarlamanka looga baahan yahay inuu diiradda saaro hawlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

September 26, 2026
Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

September 26, 2026

‘’Markii Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay talada qabatey sannadkii 2012-ka, gacanta dowladda waxaa ku jirey degaanno kooban, haatanna waxaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya xoogagga AMISOM ay ku guda jiraan soo dhicinta goobaha yar ee weli ay ku harsan yihiin kooxda Al Shabaab. Baarlamanka iyo laamaha kale ee dastuuriga waxay qabteen hawlo badan oo la taaban karo, guulaha la gaareyna waxaa sal u ah wadajirka iyo wadashaqeynta hay’adahaasi. Waqtiga inoo harey aad buu u kooban yahay, waxaana baarlamanka iyo xukuumadda horyaalla hawlo muhiim u ah meel marinta Hiigsiga 2016. Waqtigaasi yar ee aan haysano kuma filna inaan isqabqabsi iyo waxyaabo aan dan u ahayn shacabka ku mashquulno’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in baarlamanka uu saran yahay waajib dastuuri ah oo hawlaha qaranka lagu taageerayo, xukuumadduna ay taasi ku xishmeyneyso, isla markaana ay habboon tahay in waajibaadkaasi aanu noqon mid lagu carqaladeynayo hawlaha ballaaran ee horyaalla dalka, iyo dadaalka dib u soo kabashada Soomaaliya.

Waxaa Madaxweynaha uu intaa ku darey in horumar muuqda laga gaarey hirgelinta hannaanka federaalka iyo baahinta maamulka, dhowaanna Muqdisho lagu saxiixey heshiiska dhismaha maamulka ay yeelan doonaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

‘’Beesha caalamka waxay inagu taageereysa hawlaha ballaaran ee aynu hayno. Waxaanu ku guuleysaney baahinta maamulka, waxqabad badan oo dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo fidinta adeegyada bulshadana waa la gaarey. Waxaa beesha caalamka iyo hay’adaha dastuuriga ee dalka aanu isla garaney inaaney dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah duruufaha jira awgood, taa beddelkeedana uu jiri doono hab kale oo doorasho oo waddanka ka dhici doonta sannadka 2016. Qorshahaasi waxaa uu ka markhaati kacayaa inaaney jirin wax muddo kordhin ah, inagoo weliba og , khilaafaadka iyo is-qabqabsiga mar walba ka dhalan jirey tallaabooyin la doonayey in muddo kordhin lagu hirgeliyo, intii ay jireen nidaamyadii ku meel gaarka ee waddanka uu soo marey’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale hambalyo u direy Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidammada AMISOM iyo shacabka Soomaaliyeed oo si wadajir ah isaga kaashanaya dagaalka Al Shabaab looga saarayo goobaha yar ee ay weli ku harsan yihiin.

Waxaa uu Madaxweynaha ugu dambeyn xusey inay Soomaalya horey u dhaqaaqdey, isla ,markaana horumarka la gaarey aan loo hakin doonin carqalado amaba dibindaabyo ay la yimaadaan kooxo yar oo aan u daneyneyn maslaxadda shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: [email protected]

Previous Post

Munaasabad Lagu Muujiyay Doorka Dhalinyarada Gobolka Banaadir Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Next Post

Golaha Wasiirada Oo Maanta Ka Dooday Arrimo Kale Duwan Oo Ay Ka Mid Yihiin Siyaaasadda Dalka

Next Post
Golaha Wasiirada Oo Maanta Ka Dooday Arrimo Kale Duwan Oo Ay Ka Mid Yihiin Siyaaasadda Dalka

Golaha Wasiirada Oo Maanta Ka Dooday Arrimo Kale Duwan Oo Ay Ka Mid Yihiin Siyaaasadda Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa garoonka kubadda...

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay maalinta labaad...

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In