Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Waqtiga inoo harey kuma filna inaan bilowno is-qabqabsi cusub, waxaana baarlamanka iyo hay’adaha kale ee dastuuriga horyaalla hawlo muhiim u ah mustaqbalka iyo horumarka dalka’’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: ‘’Waqtiga inoo harey kuma filna inaan bilowno is-qabqabsi cusub, waxaana baarlamanka iyo hay’adaha kale ee dastuuriga horyaalla hawlo muhiim u ah mustaqbalka iyo horumarka dalka’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 13 August 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka warbixiyey marxaladda uu dalku marayo, dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlayey xafiiskiisa ayaa sheegay inuu ka war hayo warar sheegaya in koox xildhibaanno ah oo ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay diyaariyeen mooshin isaga ka dhan ah, isagoo sheegay in waqtigan la joogo baarlamanka looga baahan yahay inuu diiradda saaro hawlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

‘’Markii Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay talada qabatey sannadkii 2012-ka, gacanta dowladda waxaa ku jirey degaanno kooban, haatanna waxaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya xoogagga AMISOM ay ku guda jiraan soo dhicinta goobaha yar ee weli ay ku harsan yihiin kooxda Al Shabaab. Baarlamanka iyo laamaha kale ee dastuuriga waxay qabteen hawlo badan oo la taaban karo, guulaha la gaareyna waxaa sal u ah wadajirka iyo wadashaqeynta hay’adahaasi. Waqtiga inoo harey aad buu u kooban yahay, waxaana baarlamanka iyo xukuumadda horyaalla hawlo muhiim u ah meel marinta Hiigsiga 2016. Waqtigaasi yar ee aan haysano kuma filna inaan isqabqabsi iyo waxyaabo aan dan u ahayn shacabka ku mashquulno’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in baarlamanka uu saran yahay waajib dastuuri ah oo hawlaha qaranka lagu taageerayo, xukuumadduna ay taasi ku xishmeyneyso, isla markaana ay habboon tahay in waajibaadkaasi aanu noqon mid lagu carqaladeynayo hawlaha ballaaran ee horyaalla dalka, iyo dadaalka dib u soo kabashada Soomaaliya.

Waxaa Madaxweynaha uu intaa ku darey in horumar muuqda laga gaarey hirgelinta hannaanka federaalka iyo baahinta maamulka, dhowaanna Muqdisho lagu saxiixey heshiiska dhismaha maamulka ay yeelan doonaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

‘’Beesha caalamka waxay inagu taageereysa hawlaha ballaaran ee aynu hayno. Waxaanu ku guuleysaney baahinta maamulka, waxqabad badan oo dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo fidinta adeegyada bulshadana waa la gaarey. Waxaa beesha caalamka iyo hay’adaha dastuuriga ee dalka aanu isla garaney inaaney dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah duruufaha jira awgood, taa beddelkeedana uu jiri doono hab kale oo doorasho oo waddanka ka dhici doonta sannadka 2016. Qorshahaasi waxaa uu ka markhaati kacayaa inaaney jirin wax muddo kordhin ah, inagoo weliba og , khilaafaadka iyo is-qabqabsiga mar walba ka dhalan jirey tallaabooyin la doonayey in muddo kordhin lagu hirgeliyo, intii ay jireen nidaamyadii ku meel gaarka ee waddanka uu soo marey’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale hambalyo u direy Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidammada AMISOM iyo shacabka Soomaaliyeed oo si wadajir ah isaga kaashanaya dagaalka Al Shabaab looga saarayo goobaha yar ee ay weli ku harsan yihiin.

Waxaa uu Madaxweynaha ugu dambeyn xusey inay Soomaalya horey u dhaqaaqdey, isla ,markaana horumarka la gaarey aan loo hakin doonin carqalado amaba dibindaabyo ay la yimaadaan kooxo yar oo aan u daneyneyn maslaxadda shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: [email protected]

Previous Post

Munaasabad Lagu Muujiyay Doorka Dhalinyarada Gobolka Banaadir Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Next Post

Golaha Wasiirada Oo Maanta Ka Dooday Arrimo Kale Duwan Oo Ay Ka Mid Yihiin Siyaaasadda Dalka

Next Post
Golaha Wasiirada Oo Maanta Ka Dooday Arrimo Kale Duwan Oo Ay Ka Mid Yihiin Siyaaasadda Dalka

Golaha Wasiirada Oo Maanta Ka Dooday Arrimo Kale Duwan Oo Ay Ka Mid Yihiin Siyaaasadda Dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In