Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Waxaa naga go’an in doorashada ay ku dhacdo waqtiga loogu talagaley”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo kulamo la qaatey qeybaha bulshada ee magaalada Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qabanqaabada doorashada taariikhiga ah ee 2016 ay si habsami leh u socoto, isla markaana ay ku qabsoomi doonto waqtiga loogu talagaley.

Madaxweynaha ayaa hadalkan u sheegay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha amniga, Peter Thomas Drennan oo uu kula kulmay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

“Soomaaliya waxay maalinba maalinta ka dambeysa ku tallaansaneysa horumar dhinaca siyaasadda iyo amniga ah oo mustaqbal wanaagsan dalka loogu dhisayo. Waxaan meel-marinay barnaamijyo dhowr ah oo la xiriira amniga iyo siyaasadda oo aan ku ansixinay nidaam wada oggol ah. Waxaa hubaal ah in aan si tartiib tartiib ah uga mira-dhalin doono barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliyada cusub oo leh dhammaan kaabeyaasha siyaasadda ee qaran walba u baahan yahay’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulankan kaga dhawaaqay in Madasha Hoggaanka Qaranka uu 10-ka bishan shirkooda uga furmi dooni magaalada Muqdisho, lagana arrinsan doono arrimaha dardar-gelinta doorashada, amniga iyo siyaasadda dalka.

“Waxaa ka go’an hoggaamiyeyaasha iyo shacabka Soomaalida inay horay u sii dhaqaaqaan. Waxaan ka mahad-celinayaa taageerada Qaramada Midoobay ay ka geysaneyso arrimaha Soomaaliya. Salaan iyo mahadnaq gaar ah iga gaarsii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo dhab ahaantii intii uu xilka hayey si dhow ula socday arrimaha Soomaaliya’’.

Kaaliyaha Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha amniga, Peter Thomas Drennan , oo isna kulanka ka hadley ayaa sheegay inuu laba sanno ka hor Muqdisho yimid, iska markaana uu qirayo inuu jiro horumar lagu tallaabsadey oo u baahan in la sii adkeeyo.

Waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay sii waddo, siina xoojiso wadashaqeynta iyo iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Michael Keating iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

———————————DHAMMAAD————————-

Previous Post

Puntland oo soo saartay xubnaha u sharaxan Aqalka Sare

Next Post

Daawo Sawirrada: Dibadbax ay ka qeybgaleen Soomaali oo ka dhacay magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota

Next Post
Daawo Sawirrada: Dibadbax ay ka qeybgaleen Soomaali oo ka dhacay magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota

Daawo Sawirrada: Dibadbax ay ka qeybgaleen Soomaali oo ka dhacay magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In