Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Waxaa naga go’an inaan dhaqangelino dib u heshiisiin dhameystiran iyo in awoodda dalka si nabad ah la isugu wareejiyo sannadka 2016’’ “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: ‘’Waxaa naga go’an inaan dhaqangelino dib u heshiisiin dhameystiran  iyo in awoodda dalka si nabad ah la isugu wareejiyo sannadka 2016’’ “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 30 July, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u soo xirey shirkii Madasha Wadatashiga ee beesha caalamka iyo Soomaaliya (High Level Partners Forum) oo muddo laba maalmood ah ka socdey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qabsoomidda shirkan ay guul u tahay Soomaaliya iyo waddamada beesha caalamka ee sida dhow u la shaqeynaya.
‘’Waxaa naga go’an inaan si wadajir ah u shaqeyno, inagoo leh hal ujeeddo oo ah dhismaha dal qaranimadiisa ay sugan tahay, nabadgelyo buuxda ay ka jirto, mideysan, oo lagu dhaqayo nidaamka federaalka. Waxaan dooneynaa Soomaaliya nabad ah, isla markaana aan wax khatar ah ku ahayn caalamka,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in go’aankii dhowaan ay soo saareen goleyaasha qaranka ee ahaa inaaney dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, aaney micnaheedu ahayn in waddanka aaney wax doorasho ah ka dhici doonin.

“Waxaa jiri doona wadatashi qaran oo lagu go’aamin doono nidaamka doorasho ee nagu habboon. Xaaladda dalkeena ka jirta marnaba ma saamaxeyso in doorasho nooca qof iyo cod aan dalka ka sameyno. Ujeedkeenu ma ahan inaan dooneyno in muddo kordhin la sameeyo, balse waxaan rabnaa in wadatashi loo dhan yahay lagu go’aamiyo hadba waxa aan dooneyno inaan ka hirgelino dalkeena. Waxaa naga go’an inaan dhaqangelino dib u heshiisiin dhameystiran iyo in awoodda dalka si nabad ah la isugu wareejiyo’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley muhimadda in Soomaaliya laga taageero dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha oo sal u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha. Waxaa kale oo uu xusey baahida loo qabo in si wadajir ah wax looga qabto mushkiladda qaxootiga ka dhashey colaadda dalka Yemen.
Xiritaanka shirka waxaa kale oo hadal ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkan ayaa waxaa laga soo saarey war murtiyeed uu madasha ka akhriyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar.

Shirka 3aad ee Madasha Wadatashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa la isla oggolaadey in lagu qabto dalka Turkiga, bisha January ee sannadka 2016-ka.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: [email protected]

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7)

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Iskuulka Hoose Dhexe Ee Deegaanka Xaaji Cali Oo Dib Loo Howlgaliyay “Sawirro”

Next Post
Iskuulka Hoose Dhexe Ee Deegaanka Xaaji Cali Oo Dib Loo Howlgaliyay “Sawirro”

Iskuulka Hoose Dhexe Ee Deegaanka Xaaji Cali Oo Dib Loo Howlgaliyay "Sawirro"

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In