Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Waxaa naga go’an inaan dhaqangelino dib u heshiisiin dhameystiran iyo in awoodda dalka si nabad ah la isugu wareejiyo sannadka 2016’’ “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: ‘’Waxaa naga go’an inaan dhaqangelino dib u heshiisiin dhameystiran  iyo in awoodda dalka si nabad ah la isugu wareejiyo sannadka 2016’’ “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 30 July, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u soo xirey shirkii Madasha Wadatashiga ee beesha caalamka iyo Soomaaliya (High Level Partners Forum) oo muddo laba maalmood ah ka socdey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qabsoomidda shirkan ay guul u tahay Soomaaliya iyo waddamada beesha caalamka ee sida dhow u la shaqeynaya.
‘’Waxaa naga go’an inaan si wadajir ah u shaqeyno, inagoo leh hal ujeeddo oo ah dhismaha dal qaranimadiisa ay sugan tahay, nabadgelyo buuxda ay ka jirto, mideysan, oo lagu dhaqayo nidaamka federaalka. Waxaan dooneynaa Soomaaliya nabad ah, isla markaana aan wax khatar ah ku ahayn caalamka,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in go’aankii dhowaan ay soo saareen goleyaasha qaranka ee ahaa inaaney dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, aaney micnaheedu ahayn in waddanka aaney wax doorasho ah ka dhici doonin.

“Waxaa jiri doona wadatashi qaran oo lagu go’aamin doono nidaamka doorasho ee nagu habboon. Xaaladda dalkeena ka jirta marnaba ma saamaxeyso in doorasho nooca qof iyo cod aan dalka ka sameyno. Ujeedkeenu ma ahan inaan dooneyno in muddo kordhin la sameeyo, balse waxaan rabnaa in wadatashi loo dhan yahay lagu go’aamiyo hadba waxa aan dooneyno inaan ka hirgelino dalkeena. Waxaa naga go’an inaan dhaqangelino dib u heshiisiin dhameystiran iyo in awoodda dalka si nabad ah la isugu wareejiyo’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley muhimadda in Soomaaliya laga taageero dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha oo sal u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha. Waxaa kale oo uu xusey baahida loo qabo in si wadajir ah wax looga qabto mushkiladda qaxootiga ka dhashey colaadda dalka Yemen.
Xiritaanka shirka waxaa kale oo hadal ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkan ayaa waxaa laga soo saarey war murtiyeed uu madasha ka akhriyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar.

Shirka 3aad ee Madasha Wadatashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa la isla oggolaadey in lagu qabto dalka Turkiga, bisha January ee sannadka 2016-ka.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: [email protected]

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7)

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Iskuulka Hoose Dhexe Ee Deegaanka Xaaji Cali Oo Dib Loo Howlgaliyay “Sawirro”

Next Post
Iskuulka Hoose Dhexe Ee Deegaanka Xaaji Cali Oo Dib Loo Howlgaliyay “Sawirro”

Iskuulka Hoose Dhexe Ee Deegaanka Xaaji Cali Oo Dib Loo Howlgaliyay "Sawirro"

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In