Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘‘Waxaan ku bogaadinayaa ciidammada maamulka Galmudug dagaalka ay kula jiraan argagixisada Al Shabaab’’

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “ Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan, xogtana ula wadaagaan laamaha amniga’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in iskaashi iyo wadashaqeyn buuxa oo dhexmara shacabka iyo maamullada dalka ka jira uu soo dedejin karo in la jabiyo kooxda nabadda ka soo horjeedda ee Al Shabaab.

Madaxweynaha oo ka hadlayey dagaalka gobollada dhexe ku dhexmara ciidammada Maamulka KMG ee Galmudug iyo maliishiyaadka firxadka ah ee Al Shabaab, ayaa tilmaamey in jabka Al Shabaab ka raacay degaankaasi uu muujinayo in shacabku nabad buuxda doonayaan, diyaarna ay u yihiin inay arkaan cadowga oo gebi ahaanba dalka laga saarey.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Waxaan ammaan iyo bogaadinba u diraya ciidammada Galmudug guulaha ay ka soo hoyeen dagaalka ay kula jiraan firxda Al Shabaab ee horrey ugu soo jabey Puntland. Waa inaan la siin cadowga fursad uu ku saldhigto, lagana sifeeya dhammaan degaannada dalka ku yaalla ee ay doonayaan inay ku dhuumaaleystaan.’’

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ay taageero hiil iyo hooba la garab taagan tahay ciidanka Galmudug.

“Maamullada Puntland iyo Galmudug waxay shacabka iyo caalamkaba tuseen in Al Shabaab laga adkaan karo, lana soo afjari karo dhibaatada ay shacabka ku hayaan. Maamullada kale ee dalka iyo shacabka waxaan ugu baaqayaa inay iyaguna sidaas yeelaan oo cadowga ka hortaagan horumarka ay iska dul qaadaan’’.

Madaxweynaha, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, ayaa ugu dambeyn ugu baaqey beesha caalamka inay taageero wax ku ool ah ka geystaan dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka Soomaaliya si ay u hantaan amniga iyo nabadda qaranka.

Previous Post

Galmudug: Al Shabaab waxay dhirbaaxo kulul kala kulantey Ciidanka maamulka Galmudug

Next Post

Wasiirada Difaaca dalalka Saxaraha ka hooseeya oo shir ugu soo gabo gaboobay Masar

Next Post
Wasiirka difaaca oo booqday degmada Garbahaarreey ee gobolka Gedo-SAWIRRO

Wasiirada Difaaca dalalka Saxaraha ka hooseeya oo shir ugu soo gabo gaboobay Masar

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In