Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘‘Waxaan ku bogaadinayaa ciidammada maamulka Galmudug dagaalka ay kula jiraan argagixisada Al Shabaab’’

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 26, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha: “ Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan, xogtana ula wadaagaan laamaha amniga’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in iskaashi iyo wadashaqeyn buuxa oo dhexmara shacabka iyo maamullada dalka ka jira uu soo dedejin karo in la jabiyo kooxda nabadda ka soo horjeedda ee Al Shabaab.

Madaxweynaha oo ka hadlayey dagaalka gobollada dhexe ku dhexmara ciidammada Maamulka KMG ee Galmudug iyo maliishiyaadka firxadka ah ee Al Shabaab, ayaa tilmaamey in jabka Al Shabaab ka raacay degaankaasi uu muujinayo in shacabku nabad buuxda doonayaan, diyaarna ay u yihiin inay arkaan cadowga oo gebi ahaanba dalka laga saarey.

Related posts

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025

“Waxaan ammaan iyo bogaadinba u diraya ciidammada Galmudug guulaha ay ka soo hoyeen dagaalka ay kula jiraan firxda Al Shabaab ee horrey ugu soo jabey Puntland. Waa inaan la siin cadowga fursad uu ku saldhigto, lagana sifeeya dhammaan degaannada dalka ku yaalla ee ay doonayaan inay ku dhuumaaleystaan.’’

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ay taageero hiil iyo hooba la garab taagan tahay ciidanka Galmudug.

“Maamullada Puntland iyo Galmudug waxay shacabka iyo caalamkaba tuseen in Al Shabaab laga adkaan karo, lana soo afjari karo dhibaatada ay shacabka ku hayaan. Maamullada kale ee dalka iyo shacabka waxaan ugu baaqayaa inay iyaguna sidaas yeelaan oo cadowga ka hortaagan horumarka ay iska dul qaadaan’’.

Madaxweynaha, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, ayaa ugu dambeyn ugu baaqey beesha caalamka inay taageero wax ku ool ah ka geystaan dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka Soomaaliya si ay u hantaan amniga iyo nabadda qaranka.

Previous Post

Galmudug: Al Shabaab waxay dhirbaaxo kulul kala kulantey Ciidanka maamulka Galmudug

Next Post

Wasiirada Difaaca dalalka Saxaraha ka hooseeya oo shir ugu soo gabo gaboobay Masar

Next Post
Wasiirka difaaca oo booqday degmada Garbahaarreey ee gobolka Gedo-SAWIRRO

Wasiirada Difaaca dalalka Saxaraha ka hooseeya oo shir ugu soo gabo gaboobay Masar

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In