Wednesday, August 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Waxaan ku rajo weynahay in natiijo lagu wada farxo ay ka soo baxdo Madasha Wadatashiga Qaranka ee Kismaayo”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Waxaan ku rajo weynahay in natiijo lagu wada farxo ay ka soo baxdo Madasha Wadatashiga Qaranka ee Kismaayo”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka furey Madasha Wadatashiga Qaranka.

Madasha Wadatashiga Qaranka oo lagu goโ€™aamin doono qaabka ama nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso sannadka 2016-ka ayaa waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Raโ€™iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaโ€™arke, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas, Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyo Jubba, Axmed Maxamed Islaam.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

August 18, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay inuu rajeynayo in shirkan ay ka soo baxaan natiijooyin ka farxiya shacabka, isagoo ummadda Soomaaliyeed ugu baaqey inay la yimaadaan isku tanaasul, iyagoo eegaya danta guud iyo dib u yagleelidda dowlad Soomaaliyeed oo nabad, xasilooni iyo horumar u horseedda Soomaaliya oo dhan.

โ€œWaa mahad Allah aan ka soo gudubney xiligii nalagu oran jirey dal fashilmey. Waxan haatan nahay dal dib u soo kabanaya, oo aan dooneyno inaan u dhigno aasaas xooggan oo muhiim u ah mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaaliya yeelato. Waxaa naga goโ€™an inaan wixii khilaaf ah ee jira aan wadahadal ku dhameyno, waana sababta keentay inaan dhisno madasha hoggaamiyeyaasha si aan danaha qaranka ugu gorfeyno,โ€ ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in mabdaโ€™a aasaaska u ah Soomaaliya uu yahay wadajirka iyo midnimada, loona baahan yahay in ruux kasta oo Soomaali ah uu u istaago, sidii taasi loo gaari lahaa, isagoo dhanka kalena ku baaqey in lala yimaado dulqaad.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku boorriyay shacabka inay yareeyaan cabsida iyo kalsooni darada ka dhalatey dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

โ€œWaxaan ku kalsoonahay kuna rajo weynahay in natiiijo wanaagsan ay ka soo bixi doonto wadatashigan aan u fadhino. Soomaaliyada cusub ee aan dhiseyno waa mid ku saleysan dimoqraadiyad, xasilooni, iyo in laga wada qeybgalo, sidaa darteed aaney meesha oolin wax cabsi ah oo la xiriirta mustaqbalka. Waxaan anigoo fursaddan ka faaโ€™iideysanayaa aan doonaya inaan u mahad celiyo beesha caalamka oo mar walba nala garab taagan taageerada aan u baahanahay ee muhiimka u ah dib u dhiska dalkeenaโ€™โ€™.

Madaxda kale ee ka qeybgashey furitaanka shirka, ayaa iyaguna khudbado jeediyay, waxaana dhammaantood ay ka mideysnaayeen sida ay diyaarka ugu yihiin, looguna baahan yahay in la isu tanaasulo, loona naxariisto shacabka Soomaaliyeed ee ay colaaddu daashatey.

Madaxda ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxweynaha maamulka Jubba iyo shacabka gobollada Jubbooyinka sida wanaagsan ee quruxda badan ee ay u martigeliyeen shirkan qiimaha u leh qaranka Soomaaliyeed.

1 2 3 4 5 unnamed

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay qodobo kala duwan

Next Post

Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugulle oo maanta lagu aasay Hargeysa+Sawirro

Next Post
Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugulle oo maanta lagu aasay Hargeysa+Sawirro

Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugulle oo maanta lagu aasay Hargeysa+Sawirro

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH โ€œFARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMOโ€

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH โ€œFARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMOโ€

August 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga...

Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub

Somalia Receives Copies of Credentials from Four New Ambassadors

August 18, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali Abdi, received the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In