Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha “Waxbarashadu waa maalgashiga ugu muhiimsan ee shacabka iyo Aasaaska mustaqbalka.”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xariga ka jaray Jaamicada Farsamada Gacanta ee Boliteknico oo ah goobtii uu Madaxweynahu wax ku soo bartay, isla markaasna ka soo noqday Macalin oo uu qiimaha waxbarashada ka soo bartay.

Madaxweynaha oo ka hadlayey muhiimada waxbarashada ayaa hoosta ka xariiqay sida noloshu u tahay waxbarasho. Madaxweynaha ayaa yiri “Inta badan macalimiintu inay wax-bartaan lama aaminsana, laakin nolosha ayaa ah mid marwalba wax laga barto. Waxbarashadana ma laha waqti kooban. Markaan macalinka ahaa ayaan waxbarashada sii kororsaday oo aan fahmay in waxbarashadu ay kaalin mug leh ka qaadato nolosha waqti walba.”

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlay sida dalku ugu baahanyahay waxbarashada farsamada gacanta ayaa yiri “Jaamicadan Farsamada Gacanta ee Bolitekniko waxaa lagu bartaa barnaamijyo wax tar u leh bulshada, xirfadaha shaqo abuurka oo keeni kara in qoysaska laga masaruufo isla markaasna dhaqaalaha dalka wax u tara. Maanta waa waqtiga uu dalku ugu baahi badanyahay in dhalinteenu ay helaan waxbarasho farsamada gacanta ah oo u suurtogeliya dhalintu inay soo bandhigaan xirfadahooda iyo hab-curuntooda oo keeni kara shaqo abuur.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa uga hadlay isla markaasna xasuusiyey shacabka in dalka uu horumar ballaaran ku tallaabsaday 4 tii sano ee la soo dhaafay. Madaxweynaha ayaa yiri “Markaad maanta fiiriso magaalada Muqdisho iyo sida ay aheyd 4 sano ka hor oo Al-Shabaab ay magaalada inteeda badan heysteen, dowladana aysan hay’adahoodu si wanaagsan u shaqeyneynin oo aan heysanay garoonka diyaaradaha oo aad u koobnaa, Iskoolada iyo Jaamicadaha intooda badan ay xirnaayeen iyo maanta oo aad aragtaan horumarka baaxada leh waa mid nooga baahan inaan ku sii adkeysano sidii horumarkaas loo joogteyn lahaa. Markaan xilka la wareegay howlaha na horyaalay aad bey u badnaayeen, oo aan sameynay qorshe iyo istraatejiyad aan mudnaanta ku siinay in amniga la xoojiyo, iyo inaan dariiqa dimoqraadiyada u horseedno dalka.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar ballaaran ee dhanka siyaasada, horumarka, waxbarashada, caafimaadka, amniga iyo nabadeynta, loona baahanyahay in dadaalkaas la sii labojibaaro oo dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo ay nolol maalmeedkooda ku dabaran karaan.

Madaxweynaha oo ka hadlayey qorsheyaashiisa mustaqbalka ayaa yiri “Waxaan si xoogan u aaminsahay in 4tii sano ee hore aan dhisnay aasaas xoogan ee dhanka siyaasada ah, oo rajo weyn na gelineysa in 4ta sano ee soo socota aan xooga saari doono dhalinyarada iyo sidii shaqo loogu abuuri lahaa. Tanoo macnaheedu yahay inaan u baahanahay waxbarasho tayo leh iyo shaqooyin, sida inaan waxbarashada tayeyno, qof walbana uu helo waxbarasho heerarkeedu kala duwan yahay si muwaadin walba uu wax u qori karo waxna u akhrin karo iyo inaan dhisno kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, guryahay, Iskuulada iwm.”

Madaxweynaaha oo ka hadlayey waxbarashada mustaqbalka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada Iskuulada farsamada gacanta si loo helo dhalinyaro leh xirfado muhiim u ah koboca dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa yiri “Waa inaan maalgashanaa waxbarasho noo horseeda horumarka dhaqaalaha dalka. Tanoo ah in waxbarashada farsamada gacanta ay keeneyso in dhalintu ay shaqo abuurtaan, lana yimaadaan hab-curin keeni kara inay ganacsi furtaan. Waxbarashaduna waa inay taageertaa dib u dhiska dalka iyo koboca dhaqaalaha. Waana inay noo horseedaa in Soomaaliya ay la tartami karto caalamka oo dhalinteenu ay dhanka teknolojiyada ka horumaraan si looga maarmo dadka shisheeyaha ee dalka ka shaqeeya. Waxbarashadu waa inay taageertaa sidii beeraha loo tabci lahaa, kalluunka loo soo saari lahaa, gaadiidka iyo korontada loo hagaajin lahaa. “

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in 4ta sano ee soo socota uu xooga saarayo sidii waxbarashada loo tayeyn lahaa iyadoo ah furaha horumarka dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu xooga saari doono arrimahan:

1. In miisaaniyad loo qoondeeyo tayeynta waxbarashada oo gabdhaha iyo wiilashaba wax la baro.
2. In gabdhaha lagu dhiiri geliyo inay aadaan iskuulada oo ay waxbartaan; In macalmiinta tababar kor loogu qaadayo xirfadahooda la siiyo, in la dhiso Iskuulo badan oo ay ku jiraan kuwa farsamada gacanta.
3. In la maalgeliyo xarumo farsamada gacanta si loo kobciyo dhaqaalaha oo dhalinyarada ay u helaan shaqooyin cusub oo joogto ah. Dowladeyduna waxey xooga saari doontaa Iskuulada farsamada gacanta. Tanoo xirfad siin doonta dhalinteena.

Previous Post

Madaxweynaha oo xarigga ka jaray xarunta Seyniska iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed+Sawirro

Next Post

Sawiro:Danjire Jamaal ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Next Post
Sawiro:Danjire Jamaal ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Sawiro:Danjire Jamaal ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In