Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Qatar u jooga dalkeena Soomaaliya Ambassador Hassan bin Hamza Hashem.
Danjire Hassan bin Hamza Hashem ayaa salaan iyo duco ugu yimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu ugu hambalyeeyay, guusha uu ka gaaray doorashadii 15-kii bishan ka dhacday magaaladda Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Safiirka Hanbalyada, isaga oo sheegay inay xoojin doonaan wadashaqeynta iyo xiriirka labada dal.