Tuesday, September 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Xildhibaannada waxaan ka codsanayaa in kalfadhigan 8-aad ay la yimaadaan dadaal dheeri ah’’ “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: ‘’Xildhibaannada waxaan ka codsanayaa in kalfadhigan 8-aad ay la yimaadaan dadaal dheeri ah’’ “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay Kalfadhigii 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaannada, hawshii wanaagsanayd ee ay qabteen muddada afarta sanno ku dhow ee baarlamaankan uu shaqeynayey.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026

“Waxaa sannadkan ina horyaalla hawlo culus oo doorashadu ay ka mid tahay. Waxaan horay iskula garaney inaanay dalka ka qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah. Waxaase jira nidaam kale oo aan ku heshiinay oo ah doorasho dadban. Baarlamaanka ayaan horkeenaynaa nidaamkaas si sharciyad loogu sameeyo. Mabda’a aan ku shaqeyneyno waxaa uu ku saleysan yahay in aan qabsano waxa aan maanta awoodno, isla markaana aan sharciyad u sameyno waxa aan qabaneyno inagoo wadajirna oo is oggol’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa intaa raaciyay inuu rajo badan ka qabo in Soomaaliya ay horay ugu sii dhaqaaqi doonto haddii la joogteeyo hannaanka wax isla oggolaanshaha ee haatan goleyaasha qaranka ay ku shaqeynayaan.

“Sidaad wada og tihiin waxaan ku guda jirnaan hannaanka dhismaha dowladnimada Soomaaliya, burburki nagu dhacay kadib. Waxaan Baarlamaanka ka codsanayaa inay waqti badan, juhdi badan iyo dulqaadba geliyaan hawlaha horyaalla kalfadhigan 8-aad ee xasaasiga ah. Waxaa mar dhow la idin soo gudbin doonaa natiijada ka soo baxda kulamada haatan Muqdisho inooga socda ee ku saabsan doorashooyinka. Waajibaadkiina inaad ka gudataan ayaan idin ka fadhinaa , idinkoo weliba eegaya duruufaha adag iyo marxaladda aan mareyno. Wixii aad u aragtaan inay sax tahay inaad nagu waafaqi doontaan ayaan filayaa, wixii aad u aragtaan inaan dib u wada saxnana diyaar baan idin nahay’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Baarlamaankan 9-aad ee Soomaaliya uu yahay kii ugu wanaagsanaa marka loo eego baarlamaanadii waddanka soo marey intii lagu guda jiray hannaanka dib u dhiska qaranimada Soomaaliya ee soo bilowday sannadkii 2000.

Madaxweynaha ka hor waxaa isna halkaasi khudbad ku saabsan waxqabadkii baarlamaanka iyo hawlaha horyaalla ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari.

Mudane Jawaari ayaa si qota dheer uga hadley qorshaha doorashada 2016-ka, dib u eegista dastuurka, dhismaha hay’adaha dowliga iyo xoojinta adeegga garsoorka.

Waxaa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ugu dambeyn sheegay in baarlamaanka uu xil iska saari doono hawlaha adag ee horyaalla ee muhiimka u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

1 2 3 4 5 6 7 unnamed

Previous Post

Ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo si buuxda ula wareegay deegaanka BudBud ee G/Galgaduud “Sawirro”

Next Post

Shir looga hadlayay ilaalinta hantida maalgashadayaasha Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi “Sawirro”

Next Post
Shir looga hadlayay ilaalinta hantida maalgashadayaasha Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi “Sawirro”

Shir looga hadlayay ilaalinta hantida maalgashadayaasha Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi "Sawirro"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

September 21, 2026
0

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka, oo ku beegan 21-ka Sebtembar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In