Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Xoojinta culuunta sayniska iyo tiknoloojiyadda waa furaha horumarka Soomaaliya’’ “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Xoojinta culuunta sayniska iyo tiknoloojiyadda waa furaha horumarka Soomaaliya’’ “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 9 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in horumarinta culuunta sayniska iyo tiknoloojiyadda ay tahay tallaabada keliya ee Soomaaliya ay kula tartami karto caalamka intiisa kale.

Madaxweynaha waxaa uu hadalkan ka jeediyay magaalada Muqdisho, kadib markii uu dhagax dhigay xarunta Kulliyadaha Sayniska iyo Tiknoloojiyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo laga hirgelinayo xaruntii hore ee Kulliyadda Macalimiinta Farsamada.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

“Dib u dhiska waddankeena waa waajib ina saaran, mana ahan in horumarkeena aan cid kale ku halayno. Waa wax lagu faano in baaqii aan soo jeediyay ee (DALKAAGA DHISO) uu shaqeynayo oo dad Soomaaliyeed ay u istaageen inay waddankooda dhistaan. Culuunta tiknoloojiyadda waa muhiim waana aasaaska horumarka. Waxaanna Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa tallaabadan lagu doonayo in dib loogu soo nooleeyo adeeggan muhiimka ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dib u dhiska dalka ka socda ee shacabku ay sameynayaan uu ka mid yahay mashruuc waddo dhererkeeda lagu qiyaasayo ilaa 500 km oo isku xiri doonta Muqdisho iyo Hobyo, kaas oo qeyb ka ah horumarinta kaabeyaasha xeebaha Soomaaliya, noqonna doonta waddadii gu horeysay ee ballaaran nooca loo yaqaano (high way) oo laga fuliyo Soomaaliya, isla markaana aqoonyahanno Soomaaliyeed ay wax ka dhisayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa sidoo kale uga mahad celiyay dowladda Talyaaniga doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaadatey aasaaskii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, haatanna diyaar u ah inay Soomaaliya kala shaqeyso dib u ballaarinta jaamacadda oo dhowaan dib loo soo nooleeeyay.

Madaxweynaha ka hor waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Drs Khadar Bashiir Cali, Wasiirka Hawlaha Guud Eng. Saalax Sheekh Cusmaan iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Maxamed Axmed Jimcaale.

Madaxdan ayaa khudbadahooda ku xusay in dib u hawlgelinta Kulliyadaha Sayniska iyo Tiknoloojiyadda ay qeyb ka tahay baaqii Madaxweynaha ee ahaa in dib loo soo celiyo hantidii iyo adeegyadii ay lahayd Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa sido kale ka soo qeybgaley xubno ka tirsan labada gole, Danjiraha Jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Fabrizio Marcelli iyo marti sharaf kale.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo sannadkii 2013 dib loo hawlgeliyay, ayaa waxay ka kooban tahay lix kulliyadood, waxaana wax ka barta ilaa iyo 750 arday.

——————- DHAMMAAD———————-–

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay Kuliyadii hore ee Macalimiinta Farsamada “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In