Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha”Doorashada dalka waxey dhaceysaa waqtigii loogu talo galay”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha”Doorashada dalka waxey dhaceysaa waqtigii loogu talo galay”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay si buuxda isugu diyaariyaan, kana qeyb qaataan doorashooyinka la filayo inay dhowaan dalka ka dhacaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ay ka go’an tahay in doorashada labada aqal (Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose) iyo tan Madaxweynaha ku dhacdo waqtigii loogu talagaley, sida ku cad soo jeedinta Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadban, laguna ayidey Baaqii Madasha Hoggaamiyeyaasha DFS iyo dowlad goboleedyada ee 9 Agoosto 2016.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

“Guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed waa inay si cadaalad ah oo hufan u maamulaan doorashada, shacabka iyo madaxda Soomaaliyeedna waxaa looga fadhiyaa inay la garab istaagaan taageerada ay uga baahan yihiin’’.

Waxaa uu Madaxweynaha si gaar ah u xusay muhimadda ay leedahay in fursaddan taariikhiga ah laga faa’ideysto.

“Waddankeena waxaa uu gelayaa marxalad taariikhi ah, sidaa darteed waxaan farayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka, iyo Dowlad Goboleedyada in laga wada shaqeeyo sidii loo xaqiijin lahaa in doorashooyinka ay si habsami leh u dhacaan iyadoo la raacayo nidaamka iyo habraaca ay dejiyeen guddiyada dooorashooyinka’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in si waddanka uu u xajisto guulaha uu gaarey ay lagama maarmaan tahay in muhimad la siiyo maslaxadda iyo danta qaranka, lagana dhowrsanaado eex, goboleysi iyo nin jecleysi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale beesha caalamka ugu baaqey inay doorkooda ka cayaaraan xaqiijinta in doorashada 2016-ka ee Soomaaliya ay noqoto mid si cadaalad iyo kalsooni ku dhacda.

“Waxaan beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, dowladaha aan saaxiibka nahay, ururrada caalamiga iyo kuwa goboleedyada ugu baaqeynaa inay ummadda Soomaaliyeed si buuxda ugala shaqeeyaan dardar-gelinta geedi socodka doorashooyinka, ayna soo dedejiyaan taageerada dhanka maalgelinta iyagoo tixgelin siinaya jadwalka doorashooyinka’’.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha ugu baaqey Qaramada Midoobay inay doorkeeda caalamiga ah ee kaga beegan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo taakuleynta looga baahan yahay ka qaadato doorashooyinkan, iyo inay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyso sidii ay doorashooyinka u najixi lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo ku saleysan cadaalad iyo saami qeybsi loo dhan yahay.

Previous Post

Wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo ka furmaya Jowhar

Next Post

Daawo Sawirrada: Marwada Koobaad ee madaxweynaha oo casho sharaf u sameysay qoyska S/guud Maxamed Cali Samatar

Next Post
Daawo Sawirrada: Marwada Koobaad ee madaxweynaha oo casho sharaf u sameysay qoyska S/guud Maxamed Cali Samatar

Daawo Sawirrada: Marwada Koobaad ee madaxweynaha oo casho sharaf u sameysay qoyska S/guud Maxamed Cali Samatar

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In