Thursday, July 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha:’Marna raali kana nihin derbiga laga dhisayo xadka Soomaaliya iyo Kenya”-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha:’Marna raali kana nihin derbiga laga dhisayo xadka Soomaaliya iyo Kenya”-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane  Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisalwasaraha xukuumadda Soomaaliya Dr Cumar Cabdirashiid Cali ayaa  maanta  ka qaybgalay  kulanka  golaha shacabka Soomaaliyeed,iyadoo madaxweynuhu khubad ka horjeediyay Baarlamaanka Soomaaliya isagoo ka warbixiyay xaaladaha guud ee dalka xilligan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khubadiisa uga hadlay arimaha badan  oo  ay kamid tahay ammaanka, siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo baahinta hanaanka Federaalka,isagoo sheegay in dowladdu ay ku guuleysatay in ay sameyso maamulo ku meel gaar ah oo uu dalku yeesho.

Related posts

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

July 16, 2026
Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

July 16, 2026

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay dadaalo badan u gashay sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa maadaama uu dalku dagaal kula jiro kooxaha nabad diidka ah ee UGUS.

“Dagaalna waan garanaynaa maalin waxbaa riixeysaa maalinta waa lagu riixeyaa laakin xaaladda amni ee guud ahaan dalka waa ay wanaagsan tahay,horumar ayaa laga gaaray qaabeynta dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada”, ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh  ayaa mar kale golaha shacabka ka hor cadeeyay in aysan jirin doonin wax muddo kororsi ah marka uu dhamaado waqtiga dowladda federaalka oo hadda jirta.

Mudane Xasan  Madaxwaynaha dalka  oo ka hadlayey muranka  u dhexeeya dowladda  Soomaaliya iyo Kenya  ee ku aadanka   xadka  dhinaca badda ah oo ay wadagaan labada dal ayaa tilmaamay in  dowladda Soomaaliya ay dacwo ka  gudbisay arrintaasi  ayna  tallo dacwadaasi maxkamadda Cadaaladda Aduunka .

“Dowladda Soomaaliya mowqif cad ayay iska taagtay arinta ku saabsan xuduuda badda waa nala ku cadaadiyay waa nala ku cabsi geliyay dhinaca walba ayaa nalaga tusay si aan uga aamusno oo aan ka gaabsano shirar badan ayaa ka yeelanay  waa la isku fahmi waayay sidaa darted kiiska waa loo gudbiyay maxkamadda cadaaladda Aduunka”, ayuu markale yiri Mudane Xasan.

Madax waynaha  oo hadalkisa sii wata ayaa dhinaca kale  ka hadlay derbiga dowladda Kenya ay  sheegtay in ay ka dhisayso  xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay markasta ka go’an tahay deris wanaag isla markaana dowladu marna ogolaan doonin derbiga laga dhisayo xadka labada dalka.

“Marna raali kama noqoneyno derbiga xukuumadda Soomaaliya gudi ayay u saartay arintan si ay u baaraan ayna keenaan xaqaa’iqa ka jira”, ayuu sheegay madaxweyne Xasan.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka  ayaa  mudanayaasha  Barlamaanka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan maalinta Xuriyadda Soomaaliya  oo ah 55 sano guuradii ka soo wareegatay 1 July 1960 dii.

IB0A1790 IB0A1789 IB0A1775 IB0A1770  IB0A1821 IB0A1823  IB0A1837 IB0A1896  IB0A1849 IB0A1842  IB0A1933 IB0A1931 IB0A1926  IB0A1914 IB0A1936  IB0A1960  IB0A1964 IB0A1966 IB0A1971 IB0A1976 IB0A1985 IB0A1987   IB0A2002 IB0A1996 IB0A1989

IB0A1896

 

Sawir Qaade: Ilyaas

 

Previous Post

Mas’uuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee Kenya Oo Booqday Maxaabiis Soomaali ah oo Ku Xiran Xabsiga Kamiti ee Nairobi”Sawirro”

Next Post

Cali Americo oo Kooxda Wariyaasha Kala Qeyb Galay Tartan Ispoorti Afurna u Sameeyay Wariyaasha “Sawirro”

Next Post
Cali Americo oo Kooxda Wariyaasha Kala Qeyb Galay Tartan Ispoorti Afurna u Sameeyay Wariyaasha “Sawirro”

Cali Americo oo Kooxda Wariyaasha Kala Qeyb Galay Tartan Ispoorti Afurna u Sameeyay Wariyaasha "Sawirro"

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

July 16, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS,...

Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

July 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay...

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

July 15, 2026
0

Somali National University (SNU) has officially launched the Somali National Artificial Intelligence Centre (SNAIC), a Centre of Excellence established to...

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda

July 15, 2026
0

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa maanta daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda(SNAIC), oo ah xarun loogu talagalay horumarinta cilmi-baarista, waxbarashada, hal-abuurka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In