Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha:’Marna raali kana nihin derbiga laga dhisayo xadka Soomaaliya iyo Kenya”-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha:’Marna raali kana nihin derbiga laga dhisayo xadka Soomaaliya iyo Kenya”-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane  Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisalwasaraha xukuumadda Soomaaliya Dr Cumar Cabdirashiid Cali ayaa  maanta  ka qaybgalay  kulanka  golaha shacabka Soomaaliyeed,iyadoo madaxweynuhu khubad ka horjeediyay Baarlamaanka Soomaaliya isagoo ka warbixiyay xaaladaha guud ee dalka xilligan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khubadiisa uga hadlay arimaha badan  oo  ay kamid tahay ammaanka, siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo baahinta hanaanka Federaalka,isagoo sheegay in dowladdu ay ku guuleysatay in ay sameyso maamulo ku meel gaar ah oo uu dalku yeesho.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay dadaalo badan u gashay sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa maadaama uu dalku dagaal kula jiro kooxaha nabad diidka ah ee UGUS.

“Dagaalna waan garanaynaa maalin waxbaa riixeysaa maalinta waa lagu riixeyaa laakin xaaladda amni ee guud ahaan dalka waa ay wanaagsan tahay,horumar ayaa laga gaaray qaabeynta dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada”, ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh  ayaa mar kale golaha shacabka ka hor cadeeyay in aysan jirin doonin wax muddo kororsi ah marka uu dhamaado waqtiga dowladda federaalka oo hadda jirta.

Mudane Xasan  Madaxwaynaha dalka  oo ka hadlayey muranka  u dhexeeya dowladda  Soomaaliya iyo Kenya  ee ku aadanka   xadka  dhinaca badda ah oo ay wadagaan labada dal ayaa tilmaamay in  dowladda Soomaaliya ay dacwo ka  gudbisay arrintaasi  ayna  tallo dacwadaasi maxkamadda Cadaaladda Aduunka .

“Dowladda Soomaaliya mowqif cad ayay iska taagtay arinta ku saabsan xuduuda badda waa nala ku cadaadiyay waa nala ku cabsi geliyay dhinaca walba ayaa nalaga tusay si aan uga aamusno oo aan ka gaabsano shirar badan ayaa ka yeelanay  waa la isku fahmi waayay sidaa darted kiiska waa loo gudbiyay maxkamadda cadaaladda Aduunka”, ayuu markale yiri Mudane Xasan.

Madax waynaha  oo hadalkisa sii wata ayaa dhinaca kale  ka hadlay derbiga dowladda Kenya ay  sheegtay in ay ka dhisayso  xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay markasta ka go’an tahay deris wanaag isla markaana dowladu marna ogolaan doonin derbiga laga dhisayo xadka labada dalka.

“Marna raali kama noqoneyno derbiga xukuumadda Soomaaliya gudi ayay u saartay arintan si ay u baaraan ayna keenaan xaqaa’iqa ka jira”, ayuu sheegay madaxweyne Xasan.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka  ayaa  mudanayaasha  Barlamaanka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan maalinta Xuriyadda Soomaaliya  oo ah 55 sano guuradii ka soo wareegatay 1 July 1960 dii.

IB0A1790 IB0A1789 IB0A1775 IB0A1770  IB0A1821 IB0A1823  IB0A1837 IB0A1896  IB0A1849 IB0A1842  IB0A1933 IB0A1931 IB0A1926  IB0A1914 IB0A1936  IB0A1960  IB0A1964 IB0A1966 IB0A1971 IB0A1976 IB0A1985 IB0A1987   IB0A2002 IB0A1996 IB0A1989

IB0A1896

 

Sawir Qaade: Ilyaas

 

Previous Post

Mas’uuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee Kenya Oo Booqday Maxaabiis Soomaali ah oo Ku Xiran Xabsiga Kamiti ee Nairobi”Sawirro”

Next Post

Cali Americo oo Kooxda Wariyaasha Kala Qeyb Galay Tartan Ispoorti Afurna u Sameeyay Wariyaasha “Sawirro”

Next Post
Cali Americo oo Kooxda Wariyaasha Kala Qeyb Galay Tartan Ispoorti Afurna u Sameeyay Wariyaasha “Sawirro”

Cali Americo oo Kooxda Wariyaasha Kala Qeyb Galay Tartan Ispoorti Afurna u Sameeyay Wariyaasha "Sawirro"

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In