Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynayaash Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo si Wada Jir ah Baaq Nabadeed Ugu Diray Shacabka Gobolka Mudug “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynayaash Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo si Wada Jir ah Baaq Nabadeed Ugu Diray Shacabka Gobolka Mudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta shir Jaraa’id oo ay  ku qabteen magaalada Cadaado  waxa ay si wadda jira ugu baqeen shacabka labada dhinac ee magaalada Gaalkacayo inay ka wadda shaqeeyaan Nabadda, Horumarka iyo deris wanaaga.

Kahor shirka Jaraa’id ayaa waxay ay lug ku mushaaxeen wadada halbowlaha ah ee magaalada Cadaado halkaasi oo ay si kalsooni leh gacanta ugu haadiyeen shacabka magaaladaasi, waxaana laga dheehanayey wejiyada shacabka kuwo ay soo jidatay ficilka wanaagsan ee ay ku dhaqaaqeen madaxdoodu.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in shacabka gobolka Mudug ay yihiin dad walaalo ah, isla dhashay, derisa, dhuldaaqsimeed wadda leh, horumar iyo wadda shaqayn buuxdaleh, waxaana uu ugu baaqay inay kawada shaqeeyaan sidii ay u ilaashan lahaayeen xasiloonida iyo Nabadda ay maanta ku naaloonayaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku baaqay in si degdega loo furo ama loo baneeyo waddooyinka kala xiran ee magaalada Gaalkacayo si ay u fududaadaan isu socodka dadka walaalaha ah ee wada degan, waxaana uu sheegay in taasi ay shacabka u horseedayso Isfaham, wadda shaqayn iyo inay dareemaan nasteexada iyo naruurada ay leedahay is garabsiga dadka walaalaha ah.

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in dhuldaaqsimeedka ka dhexeeya shacabka labada dhinac  ee had iyo jeer  ka yimaado khilaafku ay tahay laga maarmaan in  xal laga gaaro, si loo xakameeyo isku dhacyada ka yimaada degaanada daaqsimeedka ah, waxaana  uu sidoo kale sheegay  inay tahay muhiim in gobolka Mudug loo sameeyo ciidan isku dhaf ah oo ka shaqeeya sugidda amniga gobolkaasi.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan ayaa isna dhankiisa  baaq nabadeed u diray shacabka gobolka Mudug, waxaana uu sheegay in isir ahaan dadka gobolka Mudug ay u dhasheen dad dun wanaagsan oo jecel Nabadda iyo  Soomaalinimada, isla markaana had iyo jeer ay ku jirto lexejeclo, damqasho Soomaalinimo iyo nabad Jacayl, waxaana uu ugu baaqay inay kawada shaqeeyaan horumarka iyo nabadda si ay ula baratamaan gobolada kale ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa xusay in shacabka gobolka Mudug ay yihiin dad walaalo ah oo xigaala, waxaana uu ugu baaqay inay beri ka noqdaan soo noqnoqoshada colaadda gobolkooda, taasi oo uu xusay inay ku tahay degaanadooda caqabad iyo musiibo aan xal lahayn, maadaama ay ku nafwaayayaan muwaadin Soomaliyeed oo muslina.

Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sidoo kale xoojiyey baaqa Madaxweynaha Puntland ee ahaa isufurka magaalada Gaalkacyo, kaasi oo uu sheegay in uu yahay caqabadda koowaad ee keentay isfahmi waaga shacabka magaaladaasi, waxaana uu sheegay inay dhankooda ka shaqayn doonaan horumarka magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland iyo weftigii la socday ee Cadaado kaga qayb galay caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa ugu danbayn maanta gelinkii danbe dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland.

Previous Post

Howlihii garoonka diyaaradaha Muqdisho oo si caadi ah kusoo laabtay

Next Post

Xidigle Xoogga Dalka Faisa Cabdirashid oo kaalmo gaarsiisay Naafada Xoogga ee ku jira isbitaalka Martini

Next Post
Xidigle Xoogga Dalka Faisa Cabdirashid oo kaalmo gaarsiisay Naafada Xoogga ee ku jira isbitaalka Martini

Xidigle Xoogga Dalka Faisa Cabdirashid oo kaalmo gaarsiisay Naafada Xoogga ee ku jira isbitaalka Martini

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In