Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan la qaatay dhigiisa Dalka Niger Mohammedo Yusufu oo shalay Galab Booqasho rasmi ah ku soo gaaray Magaala Madaxda Dalkaasi.
Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhigiisa Dalka Niger ayaa kawada hadalay xoojinta Xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee ka dhaxeeya labada Dal, iyagoo soo hadal qaaday Murun xuduudeedka ka dhaxeeya Jabuuti iyo Eritrea.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Dalka Niger ayaa soo hadal qaaday hormarada ka jira Dalalka Soomaaliy, Yamen iyo dib u habeynta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Dalka Jabuuti ayaa ah dal ku jaala meel istiraaji ah marka loo eego qaaradda Africa waana meelaha ugu badan ee Caalamku maalgalin xooggan ku sameeyo.