Madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa soo dhaweeyey imaatinka wafuudaasi iyagoo sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay wadashaqeynta hay’adaha Dowladda Heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed.
Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wada shaqeyn dhow ay yeeshaan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada si loo horumariyo howlaha horyaala Dowladda,wuxuu sidoo kale sheegay in ay aqbaleen casuumaad uga timid madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar ayaa u mahad celiyay madaxda iyo Shacabka Dowlad goboleedka Puntland sida ay ugu soo dhoweeyeen magaaladda garoowe,wuxuuna muujiyay in ay diyaar u yihiin Golaha Shacabka in la iska kaashado horumarinta danaha umadda Soomaaliyeed.