Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Deni oo is-bedel ku sameeyey qaar ka mid ah hoggaanka ciidamada maamulka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
November 7, 2021
in Wararka
0
Akhriso: Nuxurka Khudbadaha Ay Madaxda Maamul Goboleedyada Ka Jeediyeen Shirka Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray wareegtooyin uu ku bedelay qaar ka mid hoggaanka ciidamada maamulkaas, waxaana dikreetooyinkaan lagu xusay in madaxweynuhu uu tallaabooyinkaan uga go’leeyahay baahiyaha loo qabo dar-dar gelinta amniga.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa G/Sare Xuseen Cali Maxamed oo ahaa Taliyiihii qeybta booliska gobolka Bari u bedelay Taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal, sidoo kale S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi ayuu Madaxweynuhu u magacaabay hoggaanka dembi baarista booliska Puntland ee CID-da, halka G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland loo wajeejiyey Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Dikreetadaan ayaa sidoo kale G/Dhexe Warsame Axmed Shirwac loogu magacaabay Taliyaha saldhiga dekedda magaalada Boosaaso, halka Maxamuud Silaal Cumar loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka ciidanka PMPF-ta Puntland.

Previous Post

Foreign Minister discusses with the AU envoy the readiness of the Somali army to take over the security duties of the country

Next Post

Sawirro: Kulan looga hadlay doorka haweenka ee waxbarashada oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Sawirro: Kulan looga hadlay doorka haweenka ee waxbarashada oo Muqdisho lagu qabtay

Sawirro: Kulan looga hadlay doorka haweenka ee waxbarashada oo Muqdisho lagu qabtay

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In