Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Erdogan “ma aqbaleyno in Isra’il ay mamnuucdo aadaanka Salaada”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Erdogan “ma aqbaleyno in Isra’il ay mamnuucdo aadaanka Salaada”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixin uu qoray Waregeyska The Guardian ayaa  sheegeysa in mar kale ay soo laabatay xiisada u dhaxeysa Turkiga iyo Isra’iil, kadib markii Madaxweynaha Turkiga Racep Dayip Erdogan uu ku eedeeyay Israa’iil in Falastiiniyiinta ay kula dhaqmeyso “cunsuriyad iyo midibtakoor”

Is’raaiil ayaa dhankeeda ku eedeysay Turkiga inay ku xadgudubtay xuquuqda aadanaha, iyada oo sidoo kale u yeertay Safiirkeeda  u fadhiya Dalkaasi.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Erdogan  isaga oo ka hadlayay Magaalada Istanbul waxa uu yiri “go’doominta magaalada Gaza wax xiriir ah lama laha bini’aadanimada

Madaxweynaha ayaa ku booriyay Muslimiinta in ay booqdaan Masjidul Aqsaa ee Magaalada Qudus, iyaga oo muujinaya taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta, waxa uuna ku baaqay dhismaha Dowlad ay leedahay Falastiin oo Caasimadeedu ay tahay Qudus.

Wareyska ayaa sheegay in Madaxweynaha Turkiga uu cambaareeyay mashruuca horyaalla Barlamanka Israa’iil ee Aadaanka looga mamnuucayo Israa’iil iyo Magaalada Qudus.

“haddii aad rumeysan tihiin Diintiina, maxaad oga baqeysaan aadaanka? Ma aqbaleyno in aadaanka laga mamnuuco Qudus” ayuu yiri.

Madaxweynaha Israa’’iil Reuven Rivlin oo ka jawaabay hadalka Turkiga ayaa yiri “waxaan maqalnay codad Weerar ku ah dhismaha nolosha Israa’iil ee Qudus, waxaan leeyahay Dadkaasi tan iyo sanadkii 1850 ayey Yahuuda ahayd shacuubta ee Qudus xitaa xiligii boqortooyada Turkiga ee Cusmaaniyiinta”

 

Xiisada diblumaasiyadeed ee cusub ayaa imaaneysa xilli labada quwadood ay mudadii dambe isku dhaafsanayeen Shirar golaha ammaanka Golaha ammaanka eedo la xiriira xudubyada ka dhanka ah bini’aadanka.

 

Labada Dowladood ee Israa’iil iyo Turkiga ayaa horay oga heshiiyay khilaaf ka dhashay Weerar Ciidamada Israa’iil ay ku dileen 9 Turki ah oo la socday Markab gargaar u siday Magaalada Gaza.

Previous Post

Madaxweynaha oo ka qeyb galay shir looga hadlayay doorka Qurbo joogta ee Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In