Tuesday, March 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Erdogan oo sheegay in la xakameyn doono baraha bulshada

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Erdogan oo sheegay in la xakameyn doono baraha bulshada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Turkiga ayaa wacad ku maray in uu xakameyn doono baraha bulshada ka dib markii aflagaado loo geystay gabadhiisa iyo wiilka uu sodoga u yahay xilli ay shaaciyeen dhalashada wiilkooda affaraad.

Hadalkan ayuu Erdogan uu ka sheegay shir Arbacadii u qabsoomay xisbigiisa, waxana uu ku goodiyay in sharci laga soo saari doono kuwa baraha bulshada u adeegsada si ka baxsan akhlaaqda wanaagsan.

Related posts

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐‡๐’๐‰ ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐„๐ซ๐ ๐š๐ฒ๐ ๐š ๐†๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐๐š๐ซ๐š๐ฆad๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐จ๐›๐š๐ฒ

March 3, 2026
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

March 3, 2026

“Waa in aad fahamtaan sababta aan uga soo hor jeedno baraha bulshada sida; YouTube, Twitter iyo Netflix? waxa ay tirtireyaan dhaqanka suuban” ayuu Erdogan u sheegay xubnaha xisbigiia Cadaaladda iyo Horumarka ee AKP.

Xukuumaddiisa ayaa doonaysa in ay soo saarto sharciga lagu xakameynayo isticmaalka aan asluubeysaneyn ee baraha bulshada.

Waxaana arrintan loola dan leeyahay in kuwa sharciga jabiya la saaro ganaax lacageed isla markaana maxkamadda lala tiigsan karo.

Wasiirka maaliyadda Turkiga Berat Albayrak, oo ay u dhaxdo gabadha Erdogan ee Esra, ayaa tallaadadii barta Twitter ku shaaciyay dhalashada wiilka affaraad, kaas oo loo bixiyay Xamza Salix.

Ka dib waxaa xigay in fariimo baraha bulshada la isku weydaarsaday kuwaas oo lagu sheegayo in uusan wasiirku dhalin wiilkaย  ayagoo gabadha Erdogan ku tuhmay golal dhaaf.

Madaxweyne Erdogan ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo kuwa weerarka ku qaaday qoyskiisa.

“Waxaan baacsan doonaa kuwa fulayada ah ee weeraraya qoys qiimo leh,” ayuu yiri Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa shirakadaha caalamiga ah ee baraha bulshada iska leh ku eedeeyay in ay ku xadgudbaan shuruucda dalkiisa.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga, Suleyman Soylu, ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkii lagu tuhmay in ay ka dambeeyay xadgudkan la soo qabtay, qaar kamid ah Turkida ayaa qabtay banaan baxyo lagu dhaleeceynayo kuwa weeraray qoyska madaxweynaha, waxaana kamid ah mucaaradka dowladda.

Xukuumadda Ankara ayaa badanaa waxaa ay xirtaa siyaasiyiinta mucaaradka ah kuwaas oo qaarkood si weyn u dhaliileen qaabkii uu u maareeyay safmarka COVID-19.

Waxaa ay beegsadaan siyaasiyiinta, suxufiyiinta, aqoonyahnada iyo qareenada fekirkooda ku soo bandhiga baraha bulshada.

Previous Post

Raโ€™iisul Wasaare Kheyre Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Dalka Qatar โ€œSAWIRROโ€

Next Post

Ciidamada xooggga dalka oo howl-gallo lagu baacsaday Al-Shabaab ka sameeyay Gobolka Hiiraan

Next Post
Ciidanka XDS oo Al-shabaab kala wareegay deegaano Sh/Hoose

Ciidamada xooggga dalka oo howl-gallo lagu baacsaday Al-Shabaab ka sameeyay Gobolka Hiiraan

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐‡๐’๐‰ ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐„๐ซ๐ ๐š๐ฒ๐ ๐š ๐†๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐๐š๐ซ๐š๐ฆad๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐จ๐›๐š๐ฒ

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐‡๐’๐‰ ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐„๐ซ๐ ๐š๐ฒ๐ ๐š ๐†๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐๐š๐ซ๐š๐ฆad๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐จ๐›๐š๐ฒ

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

March 3, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha....

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka โ€SAWIRROโ€

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka โ€SAWIRROโ€

March 2, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

March 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Dhaxal-sugaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwayt...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In