Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Baaqii aan u jeediyey shacabka ee ahaa in aan u midoowno dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ayaad jawaab cad u tihiin”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Baaqii aan u jeediyey shacabka ee ahaa in aan u midoowno dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ayaad jawaab cad u tihiin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray in kabadan 600 oo askari oo ka mid noqonaya ciidamada Daraawiishta ee ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saaka ka shaqa tagay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo hooy iyo xafiisba u ah ayaa gaaray Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye, halkaas oo khudbad uu ugu jeediyey ciidamada tababarka uu u soo xiray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan oo u damqanaysa shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay ku biiraan ciidanka si ay ula dagaallamaan cadawga Alshabaab, jawaabna u ah baaqii uu jeediyey 18kii bishii Oktoobar ee ku saleysnaa in aan loo kala harin dagaalka lagula jiro argagixisada.

“Waxaa halkan iiga muuqata ciidan u diyaarsan in ay dalkooda ka xoreeyaan hororka nabad diidka ah ee Alshabaab oo ah Khawaarij nagu soo duulay, dalkeenna tafaha heysa oo diiday in aan la tartanno caalamka intiisa kale.”

“Maalin walba waxa ay xasuuq ku hayaan caruurteenna, gabdhaheenna iyo hooyooyinkeenna, idinkuna waxaad jawaab cad u tihiin baaqii aan u jeediyey shacabka ee ahaa in aan u midoowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamada tababarka loo soo xiray ku adkeeyey in ay ka dhabeeyaan ballantii ay qaadeen ee ahayd difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda, isagoona ballan qaaday in uu ku hoggaamin doono sidii ay waajibaadkooda ugudan lahaayeen.

Munaasabadda xiritaanka tababarkan waxaa goob joog ku ahaa Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Boliiska, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Previous Post

Maamulka Gobolka Benaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada XFS oo kala saxiixday heshiis ku saabsan Waxbarashada Asaasiga ah

Next Post

R/wasaare Kheyrre oo kormeeray wasaaradaha arrimaha dibadda iyo Maaliyadda “SAWIRRO”

Next Post
R/wasaare Kheyrre oo kormeeray wasaaradaha arrimaha dibadda iyo Maaliyadda “SAWIRRO”

R/wasaare Kheyrre oo kormeeray wasaaradaha arrimaha dibadda iyo Maaliyadda "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ciidanka Qaranka...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In