Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Baaqii aan u jeediyey shacabka ee ahaa in aan u midoowno dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ayaad jawaab cad u tihiin”

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Baaqii aan u jeediyey shacabka ee ahaa in aan u midoowno dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ayaad jawaab cad u tihiin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray in kabadan 600 oo askari oo ka mid noqonaya ciidamada Daraawiishta ee ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saaka ka shaqa tagay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo hooy iyo xafiisba u ah ayaa gaaray Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye, halkaas oo khudbad uu ugu jeediyey ciidamada tababarka uu u soo xiray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan oo u damqanaysa shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay ku biiraan ciidanka si ay ula dagaallamaan cadawga Alshabaab, jawaabna u ah baaqii uu jeediyey 18kii bishii Oktoobar ee ku saleysnaa in aan loo kala harin dagaalka lagula jiro argagixisada.

“Waxaa halkan iiga muuqata ciidan u diyaarsan in ay dalkooda ka xoreeyaan hororka nabad diidka ah ee Alshabaab oo ah Khawaarij nagu soo duulay, dalkeenna tafaha heysa oo diiday in aan la tartanno caalamka intiisa kale.”

“Maalin walba waxa ay xasuuq ku hayaan caruurteenna, gabdhaheenna iyo hooyooyinkeenna, idinkuna waxaad jawaab cad u tihiin baaqii aan u jeediyey shacabka ee ahaa in aan u midoowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamada tababarka loo soo xiray ku adkeeyey in ay ka dhabeeyaan ballantii ay qaadeen ee ahayd difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda, isagoona ballan qaaday in uu ku hoggaamin doono sidii ay waajibaadkooda ugudan lahaayeen.

Munaasabadda xiritaanka tababarkan waxaa goob joog ku ahaa Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Boliiska, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Previous Post

Maamulka Gobolka Benaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada XFS oo kala saxiixday heshiis ku saabsan Waxbarashada Asaasiga ah

Next Post

R/wasaare Kheyrre oo kormeeray wasaaradaha arrimaha dibadda iyo Maaliyadda “SAWIRRO”

Next Post
R/wasaare Kheyrre oo kormeeray wasaaradaha arrimaha dibadda iyo Maaliyadda “SAWIRRO”

R/wasaare Kheyrre oo kormeeray wasaaradaha arrimaha dibadda iyo Maaliyadda "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In