Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Uganda oo ka wada hadlay iskaashiga arrimaha amniga iyo dhaqaalaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 24, 2018
in Wararka
0
JOINT PRESS STATEMENT ON THE OCCASION OF THE OFFICIAL VISIT TO UGANDA BY H.E MOHAMED ABDULLAHI MOHAMED FARMAJO, PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay dalka Uganda,waxaana si weyn Madaxtooyada Uganda ee Entebbe ugu soo dhoweeyay dhiggiisa Yoweri Kaguta Museveni.

 

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Soo dhoweyn diiran ka dib, labada Madaxweyne waxay wadahadal rasmi ah ku qaateen Aqalka Madaxtooyada Entebbe, oo ay uga wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada dal, gobolka iyo waliba guud ahaan arrimaha caalamka.

Madaxweynayaasha waxay xuseen in ay ku qanacsan yihiin saaxiibtinimada joogtada ah iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, kuwaasoo ay ballanqaadeen inay xoojiyaan,waxayna arrimaha kale ee diirada ay saareen labada madaxweyne ka mid ah arrimaha iskaashiga gaar ahaan qeybaha NabadA iyo Amniga, Waxbarashada, Ganacsiga, iyo Maalgashiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warbixin kooban siiyay Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni. Wuxuu xusay in xaaladda nabad galyo ee Soomaaliya ay si weyn u soo hagaagtay,islamarkaana la wiiqay awoodii Alshabab ee Koonfurta.

Wuxuu ammaanay iskaashiga ku-meel-gaarka ah ee Difaaca iyo taageerada ay AMISOM ku kordhisay geeddi-socodka ku-meelgaarka ah. Waxa uu sheegay in horumarka wanaagsan laga gaaray arrimaha Itoobiya iyo Eritariga, iyada oo loo marayo saxiixidda Heshiiska saddex-geesoodka ahaa. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday wadashaqayntu iney fududeyneyso xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo joojinta Khilaafka gobolka iyo sidoo kale kor u qaadidda dhaqaalaha saddexda wadan, gaar ahaan Soomaaliya, iyada oo la siinayo goob istaraatiijiga ah.

Madaxweyne Museveni ayaa ammaanay  Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee September 2018 ay wada gaareen madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,madaxweynaha Eriteria Isaias Afwerki iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed,isagoona xusay in arrintan ay ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee hubinta nabadda, xasiloonida iyo barwaaqada gobolka.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ujeediyay mahad celin ballaaran martiqaad sharafeedka uu u sameeyay iyo mira dhalka wada xaajoodka ay yeesheen, wuxuuna ku boorriyay Wafdiga Soomaalida inay ku raaxeystaan quruxda Uganda ka hor intaanay tegin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa dhankiisa muujiyay mahad celin iyo qadarinta uu u hayo madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni,Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Uganda ee ku aadan soo dhoweynta diiran ee loo soo sameeyay isaga iyo wafdighiisa.

Previous Post

SONIC oo maamusha astaanta internetka ee Soomaaliya (dotSO) oo fursad u soo bandhigtay shirkadaha ka shaqeeya teknoolojiyada ee ka hawlgala dalka.

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In