Monday, August 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey Aas Aaskii Radio Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey Aas Aaskii Radio Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdi raxmaan Cumar Cismaaan Yariisow, Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdi Raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Xubno ka kala socda Aqalka sare iyo Golaha Shacabka iyo Madax kale ayaa ka qeyb galay Munaasabad loogu dabaal dagayey sanad guuradii 66-aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo caawa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Sanadkii 1951-kii, 9 sano ka hor intii aan dalku xor noqon ayaa uu hawada soo galay Radio Muqdisho. Waa raadiyaha labaad ee ugu facweyn idaacadaha af-soomaaliga ku hadla dal iyo dibad meel ay ka soo hadlaanba, marka laga reebo Radio Hargaysa oo la aasaasay 1943-kii.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

August 10, 2026
Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

August 10, 2026

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane C/fitaax Daahir Jeyte ayaa ugu horeyn ka sheekeeyey marxaladihii adkaa ee uu soo maray Radio Muqdisho, islamarkaana door weyn radiyuhu uu ku lahaa in dalka laga xoreeyo Maleeshiyada Al-shabaab.

Masuuliyiin ay kamid yihiin wasiirada Dhalinyarada, Maaliyadda, iyo wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta C/kariin Xasan ayaa madasha ka sheegay in Radio Muqdisho uu leeyahay taariikh weyn oo aan lasoo koobi karin, iyaga oo bogaadiyey shaqada hadda socota iyo Isbedelada dhanka horumarka ah ee Radio Muqdisho uu ku talaabsaday.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Radio Muqdisho iyo qeybaha kale ee Warbaahinta Qaranka ay u hogaansameen Baaqa Madaxweynaha ee ku wajahan in si weyn looga qeyb qaato howlgalada ciidanka Xoogga dalka ay ka wadaan gobolo kamid ah dalka ee looga xoreynayo Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa marka hore u hambalyeeyey shaqaalaha iyo maamulka radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in shaqada dalka ay u hayaan ay tahay mid aan lasoo koobi karin oo mudan in lagu dhiira galiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaba gabadii hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in xiligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa uu ku xasuusto Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya kaalintii uu kasoo qaatay la dagaalanka Al-shabaab, isagana uu si weyn uga war hayey duruufta ay ku shaqeynayeen howl wadeenada Radio Muqdisho oo ah geesiyaal u istaagay in bulshada Soomaaliyeed ay ku dhiira in meel looga soo wada jeesto dhagarta cadowga.

Ugu dambeyn munaasabadda ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey shaqsiyaad lagu abaal mariyey in iyada oo lagu jiro marxalad adag ay ku dhiiradeen in bulshada ay ku wacyi galiyaan in lala dagaalo Al-shabaab, qaarkoodna ciidanka xoogga furumaha dagaalka ay raashin iyo taageero kale ugu geyn jiren xiligii uu socday dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Previous Post

Ra’isulwasaare Kheyre Oo Hambalyo U Diray Maamulka Iyo Shaqaalaha Radio Muqdisho “DAAWO”

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Hambalyo U Diray Maamulka Iyo Shaqaalaha Radio Muqdisho “DAAWO”

Next Post
Daawo Sawirradda Munaasabada sanad Guuraddii 66aad ee Aasaaska Radio Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Hambalyo U Diray Maamulka Iyo Shaqaalaha Radio Muqdisho "DAAWO"

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

August 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS 

August 10, 2026
0

Muqdisho, Isniin, 10 Agoosto 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray...

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS

August 10, 2026
0

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib doorasho ka dhacday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In