Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo iyo raiisul Wasaaraha Itoobiya oo ku heshiyay qodobo muhiim ah

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Sawirro:- Soo dhaweynta Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

ย Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay raiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wafddi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulan muddo saacado ah qaatay oo ay yeesheen masโ€™uuliyiint alabada dhinac ayaa waxay si weyn uga hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxyaabaha kulankooda diiradda lagu saaray ayna ku heshiyeen ayaa ah ilaa 16 qodob waxaana kamid ah iskaashiga Ammaanka,dhaqaalaha,ladagalanka argagixisada,isdhexgalka bulshada,iyadoo madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ay ka goโ€™antahy labada dal in ay si dhab ah isaga kaashadaan nabadda iyo horumarka.

โ€œAnigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda,waxaan kugu soo dhaweynaya Soomaaliya,Soomaaliya iyo Itoobiya,waxay wadagana taariikh,dhaqan,booqashadaada maanta waxay xoojinaysa xiriirka naga dhexeeya,majiraan wax kala qeybin kale walaaltinimada labada dal,waa waajib ina saran in aan xaqiijinayo nabadda iyo horumarka labada dal,iyadoo loo marayo kobada dhaqaale iskaashi bulsho,waxaan doonayaa in aan halkani ugu mahadceliyo ciidamada militariga ee dalkaaga sida ay naftooda inoogu hureen in ay Soomaaliya ka caawiyaan ka hortaga cadowga Alshabaab oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolkaโ€.

โ€œWaxaan doonayaa in aan halkani ka sheego in aan ku faraxsanahay siada diiran oo aad inoo soo dhaweyseen,waxaan idinkaga mahadcelinayaa waxkasto oo aad sameyseen,waxaan halkani u joogaa in aan abuurno weji cusub,xiriir cusub,hadii aan dib ugu laabto taariikhda,waa in aan cashir ka baranaa dhibaatooyinkii kaladuwanaa ee na haysata sida argagixisada iyo xagjirnimada,hadafkena waa in gobolka xasilooni lagu soo dabaalo,waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay horumarayso,waa dadka si aad ah isugu dhow waa hal diin,hal dhaqan iyo isku dhiig marka loo fiiriyo adduunka intiisa kale waa wadanka kaliya sidaasi ay dadkiisu yihiin,Itoobiya iyo Soomaaliya garabka ayay is qabsanayaan labada dalโ€. Ayuu yiri Abiy Axmed.

Booqashada uu maanta Soomaaliya ku yimid raiisul wasaaraha Dalka Itoobiya ayaa muujinaysa dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda eek ala dhexeeya dowladaha caalamka.

Qodobada oo gaaraya ilaa 16 qodob mar dhow kala socoย 

Previous Post

TOOS DAAWO Shirka Jara’id ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha Itoobiya

Next Post

Joint communique issued after bilateral talks between president Farmaajo and Ithiobia PM Abiy Ahmed

Next Post
Joint communique issued after bilateral talks between president Farmaajo and Ithiobia PM Abiy Ahmed

Joint communique issued after bilateral talks between president Farmaajo and Ithiobia PM Abiy Ahmed

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

October 13, 2025
0

Hayโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In