Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo yeeshay Wada-hadallo Laba-Geesood ah

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo yeeshay Wada-hadallo Laba-Geesood ah

February 3, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga heer qaran ee la-dagaallanka tahriibinta

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga heer qaran ee la-dagaallanka tahriibinta

February 3, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirashid Maxamed Axmed iyo masuuliyiin kale ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Garoonk Diyaaradaha Jabuuti waxaa wafdiga Madaxweynaha ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xamud iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dalkaas kaga qeyb galaya wadahadallo walaaltinimo oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaheenna Somaliland, iyada oo gogosha wadahadalladan uu dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, lana xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, is ogolaanshaha, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

Tags: Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti+Sawirro
Previous Post

Dhismaha wajigii sedexaad ee wadada Genaraal Daa’uud oo bilaawday+Sawirro

Next Post

Mareykanka oo soo dhaweeyey wadahadalada Dowladda FS iyo Soomaaliland

Next Post
Mareykanka oo soo dhaweeyey wadahadalada Dowladda FS iyo Soomaaliland

Mareykanka oo soo dhaweeyey wadahadalada Dowladda FS iyo Soomaaliland

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo yeeshay Wada-hadallo Laba-Geesood ah

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo yeeshay Wada-hadallo Laba-Geesood ah

February 3, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga heer qaran ee la-dagaallanka tahriibinta

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga heer qaran ee la-dagaallanka tahriibinta

February 3, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyay shir ay yeesheen guddi heer qaran ah...

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

February 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddo casri ah oo dhererkeedu yahay...

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

February 3, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, Guddoomiye Mudane Yuusuf Cabduqaadir Maxamed iyo Xoghayaha Gudiga Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In