Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Barlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan R/wasaaraha, kana hadlay safarkiisii Sacuudiga+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Barlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan R/wasaaraha, kana hadlay safarkiisii Sacuudiga+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay keddib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka aan walaalaha nahay ee Sucuudiga ayaa la kulmay boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo labadiisa dhaxal suge isaga oo ka codsaday in ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada horumarinta, kaabayaasha dhaqaalaha, qaadista xayiraadda ganacsiga xoolaha iyo gurmadka abaaraha.

Related posts

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay xasfiiskiisa ayaa sheegay in dhammaan codsiyadii ay u bandhigeen dowladda Sucuudiga laga aqbalay, ย isaga oo intaas raaciyay in Raโ€™iisul Wasaaraha magacaaban looga fadhiyo marka la ansixiyo kaddib inuu dhiso guddiyadii dhaqangelin lahaa qodobada la isla meel dhigay.

Qorshayaashii ay dowladda Soomaaliya hordhigtay Boqortooyada Sucuudiga waxaa kamid ahaa in la kabo miisaaniyadda dalka si loo bixiyo mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha heyโ€™adaha dowladda, dhismaha xarumo cusub oo ay hayโ€™adaha Qaranku ย ku shaqeeyaan, garoon diyaaradeed oo cusub, dib u dhiska waddooyinka laamiyada ah ee isku xira magaalooyinka dalka iyo ย dib u hawlgelinta safaaraddii Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay ku lahayd magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si faah-faahsan uga hadlay shaqsiyadda Raโ€™iisul wasaaraha uu dhowaan magcaabay Mudane Xasan Cali Kheyre iyo waxyaabaha uu ku doortay.

โ€œSidaad la socotaan, Raโ€™iisul wasaaraha aan magcaabay laba maalmood ka hor Xasan Cali Kheyre waa shaqsi leh aqoon maamul iyo mid biniโ€™aadannimo,ย  isla markaanaย  ah ninka xilligaan la joogo ku habboon inaan wada shaqeynno, shacabka Soomaaliyeed uma baahna khilaaf ragaadiya madaxweynaha iyo Raโ€™iisul wasaaraha, dadka Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa in aysan arrintaasi ka wel welin oo aanย  afarta sanno ee soo socota aan wada dhammeysan doonno, waxaa ugu muhiimsan ee aan u doortay Xasan in uu yahay shaqsi aan aaminsanahay inuu ย igula shaqeyn kara mabaadiideyda iyo ammaanada ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena aan ka wada qeyb-qaadan karno la dagaallanka musuq-maasuqaโ€ ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Qaranka, ayaa ka codsadey Barlamaanka Federaalka ee labada aqal ah in ay si dhaqsi leh Kalsoonidooda u siiyaan Raโ€™iisul wasaaraha uu magcaabay, isla markaana ay dowladda cusub ee laย  soo dhisi doono garab istaagaan, ย si loo dardargeliyo howlaha adagย  ee hor yaalla dowladda, madaxweynaha ayaa intaa raaciyey in dhowaan Barlamaanka la geyn dooni miisaaniyad aad ugu ballaaran kuwii horey loo arki jiray, maadaama ay dowladdu heysato ballan-qaadyo waa weyn oo wax badan ku soo kordhin karna miisaaniyadda dalka, maadaama aysan jirin canshuur badan oo ay dowladdu ku shaqeyso xiligaan.

1 2 3

Previous Post

Xaaska mid kamid ah horjoogayaasha Ajnabiga ah ee Al-shabaab oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Boqortooyada Sacuudiga oo mashaariic waa weyn ka fulin doonta dalka-Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Barlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan R/wasaaraha, kana hadlay safarkiisii Sacuudiga+Sawirro

Boqortooyada Sacuudiga oo mashaariic waa weyn ka fulin doonta dalka-Sawirro

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

September 9, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

September 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In