Thursday, November 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Wafdigiisa “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Wafdigiisa “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kaga qaybgalay munaasabad casho-sharaf oo lagu maamuusayo wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo madasha kelmad soo dhaweyn ah ka jeediyay ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud iyo wafdigiisa uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaaddeen dalkooda labaad ee Soomaaliya.

Related posts

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026

Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay abaal weyn u gashay ummadda Soomaaliyeed isaga oo uga mahadceliyay dadaalkii iyo wakhtigii ay geliyeen in Soomaaliya dib cagaheeda isugu taagto maadaama oo Carta lagu soo dhisay Dowladdii kumeelgaarka ahayd ee ugu horreysay burburka ka dib.

โ€œDowladnimada Soomaaliya burburka ka dib Carta ayay ka soo bilaabatay, waxaana taas suurtageliyay hoggaaminta walaalkeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dadka walaaleheenna ah ee reer Jabuuti. Runtii juhdi iyo wakhti ayay geliyeen inay Soomaaliya dib cagaheeda ugu istaagto laga soo bilaabo sannadkii 2000 oo dowladdii ugu horreysay ee kumeelgaarka ahayd lagu soo dhisay Jabuuti.โ€

Mudane Maxamed Cali Xumud ayaa dhankiisa Dowladda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo dareenka walaalnimadu ku dheehan tahay ee ay ku qaabileen intii ay waddanka ku sugnaayeen isaga oo Soomaaliya u rajeeyay horumar, nabad iyo xasilooni siyaasadeed.

Munaasabadda casho sharafta waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasaaradda Qorshaynta oo soo bandhigtay Websit lagala socon doono fursadaha Maalgashi ee dalka ka jira

Next Post
Wasaaradda Qorshaynta oo soo bandhigtay Websit lagala socon doono fursadaha Maalgashi ee dalka ka jira

Wasaaradda Qorshaynta oo soo bandhigtay Websit lagala socon doono fursadaha Maalgashi ee dalka ka jira

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaanka la doortay ee Dowlad Goboleedka...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐š๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง (๐‡๐š๐ฅ๐ฆ๐ž๐ž๐ฅ)

November 4, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasime ku-xigeenka Xarunta Adeegyada Mideysan (Halmeel). Mudane Xamsa oo cuskanaya...

XIL-KA QAADIS IYO MAGACAABIS GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE DALKA

XIL-KA QAADIS IYO MAGACAABIS GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE DALKA

November 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Dr. Baashe Yuusuf...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In