Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal ka guddoomay Danjiraha Talyaaniga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal ka guddoomay Danjiraha Talyaaniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”, ayaa la kulmay Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Carlo  Campalina.

Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”, ayaa dhambaal ka guddoomay safiirka dowladda Talyaaniga Ambassador Carlo  Campalina, kaas oo uu ka siday Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, madaxweynaha iyo safiirka ayaa iska wareystay xiriirka labada dal oo ah mid taariikhi ah oo muddo dheer soo jiray.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

“dowladda Talyaaniga waan uga mahadcelinayaa sida ay u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaan hubaa inaana ilaawi doonin kaalinta mugga leh ee aad ka qaadataan dib u dhiska dalkaan, sidoo kale waxaa uga mahadcelinayaa madaxweynaha  Talyaaniga  Hambalyada uu ii soo diray” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa dowladda Talyaaniga ka codsaday in ay si dhab ah uga qeyb-qaataan gurmadka ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ay abaaraha saameeyeen, isagoo si qiiro leh u sheegay in dowladda Talyaaniga looga fadhiyo in ay sida lagu garanayeyba ay sameyso dedaal dheeri ah oo dadka gurmadka u baahan lagu gaarsiinayo waxyaabaha deg degga ah sida cunnada, Biyaha iyo dawooyinka.
“waxyaabaha dowladeeda ugu muhiimsan waxaa ka mid ah amniga iyo dhismaha ciidammada Qaranka,

waxaan mar kale ka codsanayaa masuuliyiinta sare ee dalka Talyaaniga in ay gacan buuxdo naga siiyaan tababarrada iyo taakuleynta ay ciidanka Soomaaliyeed u baahan yihiin, dedaal xooggan ayaan u geli doonaa sidii arrinta amniga  iyo dhismaha ciidanku u noqon lahaayeen kuwa hirgala” ayu yiri madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhinaca kale Safiirka dowladda Talyaaniga Carlo  Campalina ayaa madaxweynaha cusub u sheegay in uu heysto taageerada shacabka Soomaaliyeed oo middeysan, taasina ay muhiim u tahay dowladda uu soo dhisi doono, waxa uu sheegay in dowladda Talyaaniga ay si ka wanaagsansidii hore  uga caawin doonto dowladdiisa dhinacyada ay ka wada hadleen, lagama maarmaanna ay tahay in laga faa’ideysto awoodda shacabka, waxa uu intaa raaciyey in hoggaaminta madaxweyne Farmaajo ay tahay mid ummadda Soomaaliyeed ay ku kalsoon tahay

Previous Post

C/weli Gaas oo ka tacsiyeeyey geeridii Ku tumid Sareeye Guuto Xirsi Saciid Faarax (Xirsi Gaataa)

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed

Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In