Saturday, June 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal ka guddoomay Danjiraha Talyaaniga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal ka guddoomay Danjiraha Talyaaniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”, ayaa la kulmay Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Carlo  Campalina.

Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”, ayaa dhambaal ka guddoomay safiirka dowladda Talyaaniga Ambassador Carlo  Campalina, kaas oo uu ka siday Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, madaxweynaha iyo safiirka ayaa iska wareystay xiriirka labada dal oo ah mid taariikhi ah oo muddo dheer soo jiray.

Related posts

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026

“dowladda Talyaaniga waan uga mahadcelinayaa sida ay u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaan hubaa inaana ilaawi doonin kaalinta mugga leh ee aad ka qaadataan dib u dhiska dalkaan, sidoo kale waxaa uga mahadcelinayaa madaxweynaha  Talyaaniga  Hambalyada uu ii soo diray” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa dowladda Talyaaniga ka codsaday in ay si dhab ah uga qeyb-qaataan gurmadka ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ay abaaraha saameeyeen, isagoo si qiiro leh u sheegay in dowladda Talyaaniga looga fadhiyo in ay sida lagu garanayeyba ay sameyso dedaal dheeri ah oo dadka gurmadka u baahan lagu gaarsiinayo waxyaabaha deg degga ah sida cunnada, Biyaha iyo dawooyinka.
“waxyaabaha dowladeeda ugu muhiimsan waxaa ka mid ah amniga iyo dhismaha ciidammada Qaranka,

waxaan mar kale ka codsanayaa masuuliyiinta sare ee dalka Talyaaniga in ay gacan buuxdo naga siiyaan tababarrada iyo taakuleynta ay ciidanka Soomaaliyeed u baahan yihiin, dedaal xooggan ayaan u geli doonaa sidii arrinta amniga  iyo dhismaha ciidanku u noqon lahaayeen kuwa hirgala” ayu yiri madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhinaca kale Safiirka dowladda Talyaaniga Carlo  Campalina ayaa madaxweynaha cusub u sheegay in uu heysto taageerada shacabka Soomaaliyeed oo middeysan, taasina ay muhiim u tahay dowladda uu soo dhisi doono, waxa uu sheegay in dowladda Talyaaniga ay si ka wanaagsansidii hore  uga caawin doonto dowladdiisa dhinacyada ay ka wada hadleen, lagama maarmaanna ay tahay in laga faa’ideysto awoodda shacabka, waxa uu intaa raaciyey in hoggaaminta madaxweyne Farmaajo ay tahay mid ummadda Soomaaliyeed ay ku kalsoon tahay

Previous Post

C/weli Gaas oo ka tacsiyeeyey geeridii Ku tumid Sareeye Guuto Xirsi Saciid Faarax (Xirsi Gaataa)

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed

Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta ka guddoomay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta bilaabay diiwaangelinta iyo qabashada araajida musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa khudbad rasmi ah ka...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo hubkii sharci-darrada ahaa ee ay wateen maleeshiyaadkii soo weeraray Degmada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In