Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo faray Xukuumadda in ay sii dardar geliso baahinta Adeegyada Bulshada +Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo faray Xukuumadda in ay sii dardar geliso baahinta Adeegyada Bulshada +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda ayaa sheegay in Golaha Xukuumadda looga baahanyahay in ay la fal galaan shacabka, si ay u helaan xogo dhammaystiran oo ka turjumaya baahiyaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Xubnaha Golaha in ay hormuud ka noqdaan ka qeyb qaadashada Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka, isagoona tilmaamay in ay waajib ku tahay Madaxda Qaranka in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Golaha Xukuumadda uga warbixiyey safarkii dhawaan uu ku tagay magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo baahiyaha bulsho ee ka jira deegaannadaas.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in laga hirgeliyo magaalada Marka adeegyada waxbarashada iyo garsoorka, si loo soo celiyo adeegyada asaasiga ah, loona ilaaliyo xasilloonida iyo amniga deegaanka.

“Ummadda Soomaaliyeed idinka bay idin sugaysaa, maadama aad nasiib u yeelateen in aad hoggaan u noqotaan, waxa ay inaga sugayaan in aan si daacad ah ugu adeegno, una ilaalinno canshuurta laga soo uruuriyo.”

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo xoghaynta Shirka ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay warbixinno la xiriira guulaha laga gaaray hiigsiyada dowladda ee tubaha horumarinta arrimaha bulshada, amniga, caddaaladda, siyaasadda loo dhanyahay, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqooyinka hor-tebinta leh ee horyaalla Xukuumadda.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey wada-shaqeynta kala dhaxaysa Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa yiri “Ma jirto dan shakhsiyayeed oo dhexdeena ah ee waxaan ka shaqeeynaa Danta Guud. Waxaana awoodda saarnaa mar walba in la helo xalka ugu wanaagsan. Ummadda Soomaliyeed waxay haystaan Raiisul Wasaare wanaagsan iyo Gole Xukuumadeed oo iyaguna wanaagsan.”

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda sida masuuliyadda leh ee ay u gudanayaan waajibaadka dastuuriga ah ee ay masuulka uga yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku boorriyay in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyo waxqabadkooda.

Previous Post

Dekada Muqdisho oo lagu qabtay Kontainer Khamri ah +Sawirro

Next Post

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo kullan Amniga looga hadlayey la-qaatay Maamula Xamar Jabab “Sawirro”

Next Post
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo kullan Amniga looga hadlayey la-qaatay Maamula Xamar Jabab “Sawirro”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo kullan Amniga looga hadlayey la-qaatay Maamula Xamar Jabab "Sawirro"

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In