Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo furay Kal-fadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo furay Kal-fadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane; Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa Maanta oo Arbaco ah furay kal-fadhiga Lixaad Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib Laba Bilood oo ay fasax ku maqnaayeen Xildhibaannadu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamka Federaalku uu yahay mid ay qaadatay Soomaaliya inta looga qaadayo afti guud, balse ay jiraan Dad u turjuntay si qaldan, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in siyaasadda guud ee Dalka iyo midnimadiisuba ay masโ€™uuliyad ka saran tahay Dowladda dhexe, koox gaar ahna aysan wax ka beddeli karin.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad โ€œSAWIRROโ€

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad โ€œSAWIRROโ€

March 9, 2026
๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š

โ€œNidaanka Federaalku waa nidaam ay Ummadda Soomaaliyeed u dooratay inuu noqdo hab ku dhisan maamulkooda Dowliga ah, illaa ay Ummadda Soomaaliyeed ayadu goโ€™aansato inay wax ka beddesho nidaamkaasna, ma jirto Dowlad ama koox gaara oo wax ka beddeli kartaโ€ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay siyaasad hufan kula dhaqanto Caalamka iyo Waddamada Bariga Afrika oo ay kaalin mug leh kaga jirto, isagoo xusay in aysan ka gor-gortami doonin xaquuqda Soomaaliyeed Bad iyo Berriba.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay madaxda Maamul Goboleedyadu ka wada hadleen in sidii ay Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka ku heli lahayd maqaam u qalmo, kaas oo ay kaga qeyb noqoneyso nidaamka Federaalka ee Dalka ka jira, haatanna uu socdo qorshahaasi.

Mudane;Farmaajo, ayaa sheegay in ay Dowladdu dejisay qorshe horumarineed, si loo gaaro siyaasad loo dhan yahay, isagoo tilmaamay in ay Diiradda saareen la dagaallanka musuqa, toosinta caddaaladda, habaynta maaliyadda, qaybsiga kheyraadka Dalka iyo hirgelinta nidaamka federaalka.

Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo. ayaa Baarlamaanka Labada Aqal ka codsaday in ay ansixiyaa hindise sharciyeedyada horyaalla iyo kuwa kale ee soo socda, si loo dar-dar geliyo meel marintooda.

Wuxuuna intaa raaciyay Madaxweynuhu in shuruucda uu saxiixay iyo kuwa kale ee horyaalla Labada Aqal ee Baarlamaanku ay muhiim u yihiin taabba-gelinta Qarannimo Soomaaliyeed oo hana qaadda.

Madaxweynaha ayaa yiriโ€ Sharciyada aan saxiixay waxaa ka mid ah sharciga la dagaallanka Musuq-maasuqa oo gundhig u ah aasaasidda Qarannimo Soomaaliyeed oo taabba gashaโ€.

Muadne; Farmaajo ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dedaalladii ay Dowladdu ugu jirtay in laga cafiyo deymaha, wuxuuna sheegay in ay meel wanaagsan marayaan, Bishan gudaheedana ay soo geba-gaboobi doonaan shuruudihii lagu xiray.

Wuxuu Madaxweynuhu ka ammaanay shirkii madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee dhowaan lagu soo geba-gabeeyay Muqdisho iyo qodobbadii kasoo baxay, wuxuuna Saaxiibbada Soomaaliya ku ammaanay doorkii ay ka qaateen.

Howlaha dib u heshiisiinta Bulshooyinka Galmudug iyo dib u yagleelidda maamul loo dhan yahay oo ay Galmudug yeelato ayuu sheegay Madaxweynahu in ay door wanaagsan ka qaadatay Dowladdu, haatanna ay socdaan dedaalladu.

โ€œWaxa Alle mahaddiis dhawaan noo soo gabageboobay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Galmudug, natiijada aan ka gaarnay dib u heshiisiintuna waxay noo fududaysay inaan hadda u gudbayno sidii aan u dhisi lahayn maamul Goboleed ay yeeshaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Goboladaasโ€Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane; Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Dadka Soomaaliyeed in lays cafiyo oo Gacmaha lays qabsado, si loo gaaro Qarannimo buuxda iyo Walaalnimo dhab ah.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo furay Kal-fadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Next Post

Aqriso:- Nuxurka Qudbadda Madaxweyne Farmaajo ee furitaan Baarlamaanka

Next Post
Aqriso:- Nuxurka Qudbadda Madaxweyne Farmaajo ee furitaan Baarlamaanka

Aqriso:- Nuxurka Qudbadda Madaxweyne Farmaajo ee furitaan Baarlamaanka

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad โ€œSAWIRROโ€

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad โ€œSAWIRROโ€

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In